Qarax Dhimashada iyo Dhaawaca Boqollaal Qof Sababay oo Gilgilay Kaabuul

Breaking_news-5

Kabul(Aftahannews):- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimada Afqaanistaan ee Kabul ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 95 qof.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Afqanistaan qaraxa ayaa waxaa sidoo ku dhaawacmay dad gaaraya 158 qof.

Kooxda weerarka Fulisay ayaa adeegsaday gaari ah nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Ka hor weerarka ayaa waxaa gaarigan uu ka soo gudbay bar koontarool oo ay booliiska joogeen.

Qaraxa ay ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha , waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.

Waxaa la arkayay qiiqa ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Toddobaad ka hor Taaliban ayaa weerar ay ku qaadeen Hotel ku yaalla Kabul waxa ay ku dileen 22 qof.                                                                 
Xigasho BBCSomali.com.