Mourinho Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Heshiiska Man.United

Hargeysa, (Aftahannews)-  Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa la caddeeyey in uu shuruud aad u adag hor dhigay in uu Heshiis la gaadho kooxdiisa Manchester United oo dooneysa in ay qandaraas cusub siiyaan.

Jose Mourinho oo Manchester United u soo bandhigtay heshiis gaadhaya ilaa 2021 ka ayaa la sheegayaa in uu ka badiyo diiday heshiiskaa isaga oo in uu saxeexo shuruud kaga dhigay in maareeyaha ciyaaraha Manchester Ed Woodward uu wax badan ka badalo siyaasadiisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Mourinho ayaa dalbaday ciyaarto dhawr ah Markii uu furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda balse Ed Woodward ayaa u sheegay in bishan aanay hayn wax lacag Kaasha ah hadii laga maarmi waayana ay siin doonaan lacag aan ka badanayn £80million lacagtaas oo aad uga yara qiimaha Ciyaartoyda uu doonayo.

Ninkan 54 Sano jirka ee Jose Mourinho ayaa maamulka Manchester United ka dalabadal in bishan January uu helo ciyaartoyda kala ah Kieran Tierney Ryan Sessegnon Thomas Lemar iyo Malcolm..

Sidoo kale Maamulka Manchester United ayaa dhaliishan siyaasada Macalin Jose Mourinho maadaama uu kooxdan geliyey tan iyo markii loo dhiibay 2016 lacag dhan £300m iyaga oo xiligan ka doonayey in uu qaado Horyaalka England balse Mancheter City ayaa ka saraysa 15 dhibcood mana muuqato weji uu ku qaadi karayo Premier League.

Khadar Jamac Dirir (Khadar-Jacayl)