Garsoor Qirtay Khalad Uu Ka Galay Kooxda Arsenal Iyo Xidhiidhka Kubbadda Cagta Oo Ka Hadlay

Hargeysa, (Aftahannews)-  Garsoorihii dhexdhexaadinayey kulankii Arsenal ay barbar-dhaca 1-1 la gashay West Brom ayaa qirtay in rikoodhe aan jirin oo khalad ah uu ku qabtay Gunners daqiiqaddii 89aad, taas oo sababtay in Arsene Wenger uu dhalleeceeyo garsoorka isla markaana lagu ganaaxo saddex ciyaarood uu dibedda ka joogayo kooxdiisa iyo 40,000 Gini oo uu u shubayo xidhiidhka.

Ciyaartan oo dhacday 31 December, ayaa waxa uu garsoore Mike Dean uu rikoodhe ku qabtay Arsenal isagoo ku andacooday in ay gacan kaga dhacday Callum Chambers, hase yeeshee markii dib loo daawaday ayaa la ogaaday in gacantu ay xidhnayd oo aanay ahayn rikoodhe.

 

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa sheegay in garsoore Dean uu u sheegay inuu sameeyey khalad oo aanu rikoodhahaasi jirin, hase yeeshee, tababare Wenger ayaa ku khasban inuu dhamaysto xukunka, maadaama uu si adag u weeraray garsooreyaasha oo aan la ogolayn in wax laga sheego.

“Luuqaadda uu ku hadlay iyo dhaqankiisu waxay ahaayeen kuwa ceeb ah, ka baxsan anshaxa, su’aalna geliyey kartida garsoorka.” Sidaas ayuu yidhi xidhiidhka oo sharraxayey ganaaxa ay sameeyeen.

Riley oo u hadlay xidhiidhka ayaa waxa uu sheegay in garsoore Mike uu yahay nin daacad ah, taas daraadeedna uu qiray khaladka uu sameeyey, balse wuxuu dhinaca kale shaaciyey inay hirgelin doonaan muuqaal caawiyaha garsoorka VAR oo laga hirgeliyo waddanka Ingiriiska.

Khadar jamac Dirir (KhadarJacayl)