Madaxweynihii Hore Ee Iran Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Sababta

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynihii hore ee dalka Iiraan Mahmoud Ahmadinejad ayaa xabsi la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in uu ka qeyb galay banaan bax dowlada looga soo horjeeday hadalo dhaliil ahna ka jeediyay.

Warbaahinta Caalamiga ah qaarkood ayaa qoraya in Madaxweynihii hore dalka Iiraan uu ka qeyb galay banaan bax ay dhigayeen dad dowlada kasoo horjeeda, waxa uuna ku dhaliilay dowlada Khudbad uu ka jeediyay banaan baxaasi.

Madaxda dowlada Iiraan ayaa la sheegay in ay aad u dhibsadeen hadalo uu ka jeediyay Ahmadi Nejad banaan bax ka socday Magaalada Shiraz, waxaana dowlada go’aansatay in la xidho hogaamiyahan hore.

Wargeyska Al-Quddus Al Carabi oo xarungtiisu tahay London oo soo xiganaya Diblumaasiyiin Iirana ku sugan ayaa sheegay in xadhiga Madaxweynihii hore ee Iiraan uu amray hoggaamiyaha kacaanka Iraan Ayatullahi Cali Khamani.

Dalka Iiraan waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo dowlada looga soo horjeeday, waxa ayna dowlada banaan baxyadaasi u xidhay dad badan oo lagu eedeeyay in ay khal khal amaanka galiyeen.