Sudan: Banaan-baxyadda Roodhida & Aamusnaanta Somaliland Maceeshadda: Wejiyo Kala Dhiiran

Hargeysa, (Aftahannews)-Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha roodhida oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan.

Waxaana meesha ka baxay lacago ay dawladda ku kabi jirtay iibka roodhida ka dibna waxaa cirka galay lacagta la kala siisto roodhida

Banaan-baxyadan ayaa ka bilowday goboladda Koonfurta waxayna markii dambe ku sii fideen magaalooyin kale.

 

 

 

 

 

 

 

Caasimadda Khartum booliska ayaa sunta ilmada keentaa ku kala eryey dad wadooyinka xidhay taayarana gubayay.

Isku-dhacyo noocaasoo kale ah ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo galbeedka wadanka.

Galbeedka Darfur arday ka mid ahaa mudaaharadayaasha ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay.

Dowladda ayaa diiday in banaanbaxyadan dhacaya ay wax lug ah ku leeyihiin qiimaha roodhida ee kordhay

Sanadkii 2003-dii ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay banaanbaxyo xooganaa oo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo kordhay.

Waxaana waqtigaa ku dhintay ku dhintay dibadbaxyadaasi tiro dad ah oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha

Dhinaca kale, Somaliland, sicir bararka ayaa maraya meel aad u saameysay dadweynaha, siiba dadka danyarta oo aad uga cabanaya inaan shilinkii Somaliland waxba u goyneyn, ka dib markii uu aad hoos ugu dhacay marka lagu sarrifayo Dollarka .