Arsene Wenger Oo Ka Sheekeeyay Go’aanada Qaldan Ee Kooxdiisa Lagu Saxo

Macalinka reer France iyo kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wuxuu dhaleeceen markale u jeediyay garsoorkii maamulayay kulankii Premier League-ga ay kooxda Chelsea dhibcaha ku qaybsadeen, kadib markii ay ku wada galeen barbaro 2-2 ku Emirates Stadium.

Arsene Wenger ayaa u arka in garsoorkii maamulayay kulanka uusan u xisaabin kooxdiisa 2 qalad rigoodhe uu sheegay inay mudneed in lagu abaal mariyo kooxda reer London, halka sidoo kale uu shaki galiyay rikoodihii lagu ciqaabay Gunners, islamarkaana uu Eden Hazard u badalay goolkii barbaraha ciyaartana kana dhigay 1-1.

Ninka reer France ayaa marka ay ciyaarta soo idlaatay la wadaagay saxaafada: “Kulanka wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, laakiin markale waxaan la kulanay go’aamo qaldan ee dhanka garsoorka ku aadan“Waxaan leeyahay waa go’aan nacasnimo ah oo lagu qoslo, waxaad kulankii dhigi kartaa 10 rikoodhe oo caynkaa oo kale ah,”Ayuu yidhi  Wenger “Maskax ahaan waa Shoognay waana guul darraysan karnay kulanka intaa kaddib, laakiin waxaan haysanay istaraatiijiyad aan dib ugu soo noolaano.”

Khadar Jamac Dirir