Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu Eedeeyey inuu Ku Kacay Tallaabo Qayrul-Dastuuri ah, Dhaariyeyna Wasiirro aan la Ansixin

KULANKA KOOWAAD EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GOLIHIISA WASIIRRADA 16 DECEMBER 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha dhawaan la Caleemo-saaray ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku kacay Tallaabo Qayrul-Dastuuri lagu tilmaamay, ka dib markii uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ee uu 14-kii bishan Magacaabay Sabtidii shalay Dhaariyey, iyaga oo aanay weli ansixin Golaha Wakiillada oo Waajib u leh ansixinta Wasiirrada iyo Ku-xigeennada.

KULANKA KOOWAAD EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GOLIHIISA WASIIRRADA 16 DECEMBER 2017

Xubno Xildhibaanno iyo Sharci-yaqaanno isugu jira, ayaa sheegay in Qayrul-dastuuri ay tahay tallaabada uu Shalay qaaday Madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu gees-maray waxa Sharcigu dhigayo oo ah in Wasiirrada uu magacaabay markay ansixiyaan Golaha Wakiilladu bil ka dib uu Madaxweynaha hortiisa ama haddii uu maqan yahay Madaxweyne Ku-xigeenka hortiisa ku dhaariyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah. Waxaanay Xubnahani ku doodeen in weli Wasiirro aanay ahayn Xubnaha uu magacaabay illaa ay Golaha Wakiilladu ansixiyaan.

Haddaba, Warbixin uu Telefeshinka Horn Cable ka diyaariyey Xubnaha Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada ah ee uu Madaxweynuhu Khamiistii magacaabay, isla markaana Sabtidii Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu ku dhaariyey Madaxtooyada oo uu Madaxweynuhu goob-joog u ahaa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.