Murrashax Ciro oo Khudbad uu ka Jeediyey Laascaanood ku Weeraray Musharrax Muuse Biixi

Laascaanood(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Sabtidii maanta Khudbad ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay isaga iyo Masuuliyiin Xisbigiisa ka tirsani kaga qaybgaleen Isu-soobaxa maalinta Shanaad ee Xisbigaasi u lahaa Ololaha doorashada Madaxtooyada oo Maanta dalka laga oogay, si diirranna loogaga soo baxay Laascaanood.

Waxa uu Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro Khudbadda uu Laascaanood ka jeediyey ku sheegay in Xisbigiisu kaga duwan yahay Xisbiga Kulmiye midnimo la’aan iyo waxa loogu yeedho Jeegaan ama wax Beelo gaar ah ka dhexeeya oo Xukuumaddiisuna noqon doonto hadduu guulaysto. Hase-yeeshee, Waddani hadday Codkooda siiyaan Dadka Reer Sool uu noqon doono Waddani Xisbi midnimada Somaliland ka muuqato oo aan Kuraasta Xukuumaddiisa loo sinnaan doono. Waxa kale oo uu Sheegay inuu Xisbiga Waddani Laascaanood Xoog iyo Xabbad la tegin, balse Kulmiye shalay la tegay, sida uu hadalka u dhigay.

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro Khudbadda uu ka jeediyey maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo Xambaarsanayd Taariikh, Codsi Cod-weydiisasho, sharraxaadda kala duwanaanshaha Kulmiye iyo Waddani iyo Ballan-qaadyo-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.