Xukuumadda Soomaaliya oo Beddel Ku Samaysay 8 Safiir, Dalalka ay Fadhiyeen iyo Farriinta loo diray

ASTAANTA QARANKA SOOMAALIYA IYO CALANKA OO KU HAREERAYSAN

Muqdisho(Aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa is-beddel ku sameeyay Safiirrada Siddeed Waddan oo dibedda ah u fadhiyey Soomaaliya, waxaana Wasaaradda arrimaha dibeddu ku amartay inay Safiirrada la beddelay muddo 30 maalmood ku siman gudohood ku soo galaan Xarunta Wasaaraddaas ee Muqdisho.

ASTAANTA QARANKA SOOMAALIYA IYO CALANKA OO KU HAREERAYSAN

Waxaa la beddelay 8 Safiir oo Soomaaliya u kala fadhiyey Waddamada China, Sudan, Qatar, Abu Dhabi, Zambia, Jabuuti, Kuwait iyo Uganda. Isbeddelkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay is-beddel ballaadhan oo la doonayo in lagu sameeyo Safiirrada waddamada dunida qaar badan oo ka mid ah u jooga Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood muddo dheer xilalka hayeen.

Warqado ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay Magacyada Siddeedda Safiir ee dalalkaas kor ku xusan u joogay Soomaaliya ee la beddelay iyo yeedhmadoodaba, waxaanay Waraaqahaas oo Aftahannews.com, Nuqullo ka mid ah helay u dhignaayeen; Sidatan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.