Somaliland 21 Oct: Bilawga Ololaha doorashada Madaxtooyada iyo Kumannaan Taageerayaasha UCID ah oo Magaalooyinka isugu soo baxay

OLOLAHA XISBIGA UCID EE DOORASHADA MADAXTOOYADA EE UU MAANTA SOMALILAND KA BILAABAY IYO FAYSAL 21 OCTOBER 2017

“Labada Murashax ee kele Taladooda waxay Saarteen Salaaddiintoodii, Anna waxaan Taladayda Saartay Illaahay. Waxa ii soo Hambalyeeyey Dad Ku dhaw 200,000,(Laba Boqol oo Kun oo Qof), Hambalyana waxaan uga Baahi badanahay Cod-ka oo aad I Siisaan Walaallayaal…” Musharraxa Madaxweynaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

OLOLAHA XISBIGA UCID EE DOORASHADA MADAXTOOYADA EE UU MAANTA SOMALILAND KA BILAABAY IYO FAYSAL 21 OCTOBER 2017

Burco/Somaliland(Aftahannews):- Kumannaan ka tirsan Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa Maanta isugu soo baxay magaalooyinka waawayn ee dalka Somaliland, ka dib markii uu Maanta oo bisha October 21 tahay sannadka 2017-ka oo uu si rasmi ah u bilaabmay Ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ay ku tartami doonaan Musharrixiinta Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiin kale, ayaa Kumannaan Taageerayaasha UCID ah oo isugu soo baxay Fagaaraha Khayriyada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halka ay Caasimadda Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Dalkana Dadweynaha taageera UCID ee isugu soo baxay Fagaarayaasha kala hadleen Masuuliyiinta kala duwan ee heer Qaran, gobol illaa heer degmo.

Faysal Cali Waraabe Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID oo Taageero badan iyo Bogaadin-ba Bulshada Reer Somaliland kaga kasbaday doorkiisa siyaasadeed ee uu ka qaatay Dooddii ugu horreysay ee Musharrixiinta Madaxweynaha Saddexda Xisbi Habeen-hore loogu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Boqollaal kun oo Qof soo hambalyeeyeen, hase-yeeshee, aanay maanta baahidiisu ahayn bogaadin ee baahida ugu wayn uu u qabo Cod ay maalinta cod-bixinta ku doortaan Faysal ahaan.

“Labada Murashax ee kele Taladooda waxay Saarteen Salaaddiintoodii, Anna waxaan Taladayda Saartay Illaahay. Waxa ii soo Hambalyeeyey Dad Ku dhaw 200,000,(Laba Boqol oo Kun oo Qof), Hambalyana waxaan uga Baahi badanahay Cod-ka oo aad I Siisaan Walaallayaal.” Sidaa ayuu Musharraxa Madaxweynaha UCID Faysal Cali Waraabe ka yidhi mar uu Kumannaan Taageerayaashiisa ah kala hadlayey Fagaaraha Khayriyada magaalada Burco, halkaas oo uu maanta ka bilaabay furitaanka ololaha doorashada Madaxtooyada oo Xisbigiisu ugu soo horreeyey Xisbiyada.

Fagaaraha Magaalada Burco ee uu Murrashaxu khudbada ka jeediyey waxa ku sugnaa kumanaan qof oo isugu soo baxay inay muujiyaan cududdooda Taageerada Xisbiga UCID. Waxa kale oo uu Faysal sheegay in 21-ka bishas Aktoober tahay maalintii sumadda u noqotay Dhalashada Dawladdii Kacaanka ahayd ee Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey, maalintaas oo uu sheegay inay tahay maalintii Dimuquraadiyadda Soomaaliya dalkii la isku odhan jiray la aasay, hase-yeeshee, ay 21-ka Maanta ee UCID Ololaha doorashada bilaabay summad u noqon doonto dimuquraadiyadda iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Musharrax Faysal Cali Waraabe ka dalbaday Dadweynaha reer Somaliland guud ahaan inay ku doortaan Cadaalad, sinnaan, Daryeel, Qabyaalad la-dagaallan, midnimo, wada-jir iyo Horumar u qorshaysan inuu u horseedo Dadka iyo Dalka Somaliland haddii uu Talada ku guulaysto oo badi Reer Somaliland codkooda siiyaan Faysal ahaan maalinta doorashada Madaxtooyada.

Murrashax Faysal oo xalay ka soo laabtay Magaalada Caynabo oo uu kaga qayb-galay Munaasibad lagu soo gabagabeeyey wadahadalada Somaliland iyo Khaatumo, taasoo uu ka qayb-galay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Murrashaxiinta kale ee la tartamaysa ku dhaliilay habka ay doonayaan inay Bulshada codkeeda ku kasbadaan.

Sidoo kale, Taageerayaasha Xisbiga UCID, waxay socod dhoolla-tus ah ku mareeen waddooyinka Magaaalada Burco, iyadoo ilaa maanta gelinka dambe ay soconayaan munaasibadaha uu xisbigu qabsanayo ee Ololaha doorashada Madaxtooyada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.