Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka jeediyey Shirka Iskaashiga Islaamka

Tehran(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha Sagaalaad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC, kaasoo maanta ka furmay magaalada Tehran ee Caasimadda dalka Iiraan, isaga oo xalayna la kulmay Masuuliyiinta sare ee dawladda Iran.

SHIRKA IRAN 4 shirka IRAN KA SHANAAD shirka Iran shirka Iran2 Shirka Iran32014218635283253268494337IMG_2971jawaari

Shirkaas oo socon doona laba maalmood waxaa furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ah ee Iiraan Sheekh Xasan Ruuxaani oo sheegay inay lagama maarmaan tahay xilligan in dalalka Islaamku iskaashi ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira waddammada Islaamka qaarkood sida Falastiin, Afghanistan, Suuriya iyo kuwo kale, waxaanu xusay in dowladda Iiraan ay diyaar u tahay dal kasta oo Islaam ah inay la sameyso iskaashi, wada-shaqayn iyo is-garabsi buuxa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Jawaari, ayaa isaguna khudbad uu ka jeediyay shirka kag hadlay hormarka uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba dowladda Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

Guddoomiye Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka Soomaaliya uu hadda iskaashi buuxa la leeyahay dalal ka mid ah kuwa Islaamka, isla markaana ay mar walba diyaar u yihiin iskaashi buuxa oo ay la sameeyaan Baarlamaannada dalalka Islaamka. Waxaanu Prof: Jawaari Allaah ka baryay in uu ka dul-qaado dhibaatooyinka haysta dalalka Islaamka.

Waxaa Shirka guddoomin doona Cali Ruuxaani oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, sidoo kale waxaa iyaguna hadallo ka jeediyay kulanka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Sudan, Turkey, Kuwait, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malysia, Indonesia, Bakistaan, Afghanistan, Mayanmar, Azarbijan iyo Baxreyn.

Aftahannews.com

Aftahanince@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.