Dalab Werwer ku abuuray Garabyada is-khilaafsan ee Golaha Wakiillada oo ka soo baxay Ergada Guurtida

Hargeysa(Aftahannews):- Ergada Golaha Guurtida Somaliland uu ku hawlanaa dhex-dhexaadinta iyo xal-u-helidda khilaafka kala qaybiyey Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo 16-kii bishan dalbaday muddo-kordhin dib loogu dhigayo fadhiyada Golahaas, ayaa shalay mar kale dalbaday in Arbacada Berri Wakiilladu isu-yimaaddaan.

Guurtida

Dalabka maanta ee Ergada Guurtidu isugu-yeedhay Arbacada Berri inay Golohooda isugu yimaaddaan oo ay fadhigooda yeeshaan, ayaa ka wareeiyey labada Garab ee khilaafku ka dhexeeyo ee Golaha Wakiillada oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhinac ah iyo Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo aan fahmin sida la sheegay go’aanka degdegga ah ee Ergada Guurtidu isugu-yeedhay Wakiillada.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, ayaa 16-kii bishan Warqad qoraal ah u gudbiyey Guddoomiyaha Wakiillada, taasoo uu ku dalbanayey in fadhiyada Wakiillada oo bilaabmi lahaa 17-kii bishan dib loo dhigo illaa 25-ka bishan, maaddaama oo muddo toddobaad ah oo ay hore u dalbadeen in fadhiyada la joojiyo ay dhammaatay, isla markaana ay wax natiijo ahi ka soo bixi waayeen afar maalmood oo ay kulammo lahaayeen Guddiyo ay labada Garab iska xuleen, ka dibna Ergada Guurtida ay dib ugu celiyeen xal-raadinta khilaafka oo ay iyaguna ku guda-jiraan hawsha lagu wareejiyey.

Taasoo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro ayiday, isla markaana qoraal uu ku wer-geliyey Mudanayaasha Wakiillada in dalabka Guurtida ka yimi fadhiyadii Golaha dib loogu dhigay illaa Salaasada toddobaadka soo socda oo ku beegan 25-ka bishan aynu ku jirno.

Hase-yeeshee, dalabkaas iyo wer-gelintaas ay Guurtida iyo Wakiilladu is-weydaarsadeen waxa meesha ka saaray, dalab mar kale ka yimi Ergada Golaha Guurtida Somaliland, isla markaan qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali, ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada lagu war-geliyey inay Arbacada Berri isugu yimaaddaan golohooda. Waxaanu qoraalku Xildhibaannada Wakiillada ku adkeeyey inay waqtiga dhawraan oo aanay ka dib dhicin fadhiga Berri.

Weriyeyaasha Shabakadda wararka ee Aftahannews, oo ku dedaalay inay xogo dheeraad ah ka helaan dhinacyada Golaha Wakiillada ee Khilaafku ka dhexeeyo iyo Ergada dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida, ayaanay u suuragelin inay war sugan ka helaan dhinacyadaas, ka dib markii ay Mudanayaal labada Garab ee Wakiillada ka tirsan oo aannu la xidhiidhnay sheegeen inaanay ogeyn illaa hadda sababta soo dedejisay waqtigii ay Ergada Guurtidu dalbatay 16-kii bishan in dib loogu dhigo fadhiyada Wakiillada.

Waxay ila-wareedyada ay Aftahannews soo xiganaysaa, intaa ku dareen in Ergada Guurtidu diidday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan waxa beddelay dalabkoodii hore ee illaa shan iyo labaatanka bishan in fadhiyada Golaha Wakiillada dib loogu dhigo ay ku dalbanayeen, iyaga oo xusay inay dhaarsan yihiin oo fadhigga Arbacada Berri ka hor aanay wax tafaasiil ah ka bixin karin go’aanka soo de-dejiyey dalabkoodii hore. Waxaanay xuseen inay ku doodeen oo ay warkooda ku gaabsadeen inay go’aanka ay ka gaadheen inay ku xalliyaan khilaafka Wakiillada kala qaybiyey Berri hordhigi doonaan fadhiga Golaha Wakiillada ee ay ku baaqeen.

Sida ay Aftahannews u tibaaxeen ila-wareedyo ka kala tirsan Labada Garab ee Khilaafku ka dhexeeyo ee Golaha Wakiillada, ayaa waxa labada Garab-ba fajac iyo amakaag ku noqday baaqa ka soo yeedhay maanta Ergada Xal-raadinta khilaafkooda ee Golaha Guurtida, isla markaana waxay Aftahannews ila-wareedyadu u sheegeen in dhinac waliba ka werwersan yahay waxa uu noqon doono go’aanka Ergada Guurtidu soo hordhigayaan fadhigga Berri ee ay Wakiillada isugu yeedheen.

Guddiyada labada Garab ee Golaha Wakiilladu u kala fadhiyaan hore ugu saareen khilaafkooda, ayaa sheegay inay ku guul-darraysteen inay go’aan is-faham ka gaadhaan, kuwaasoo Sabtidii shaaciyey inay is-fahmi waayeen oo ay xalka khilaafka ay ka wadahadlayeen dib ugu celiyeen Ergada Guurtida oo marka horeba dhex-dhexaadintoodu abuurtay Guddiga labada dhinac, waxaanay Ergada Guurtidu labada Guddi ka sexeexeen qoraal muujinaya in dhinac waliba ku qanci doono go’aanka ay Ergo ahaan soo gaadhaan ee ay rabaan inay ku soo afjaraan khilaafka Golaha Wakiillada kala qaybiyey.

Si kastaba ha ahaatee, labada Garab ee Golaha Wakiillada ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha oo dhinac ah iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen oo isku-dhinac ah, ayaa dhinac waliba ku khasban yahay inuu aqbalo natiijada go’aanka Ergada Golaha Guurtidu Arbacada Berri soo hordhigi doonaan Fadhiga Wakiillada ee ku baaqeen in Berri la isugu yimaaddo, maaddaama oo dhinac waliba hore u saxeexay inay ku qanci doonaan go’aanka Guurtidu gaadho.

Cabdifataax I. Mursal

Aftahannews.com

Mrmursal@gmail.com

Aftahanince@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.