Weerar Lagu Qaaday Jaamacad Ku Taal Dalka Kenya Oo Sababay Khasaare Dhimasho

Nairobi,(Aftahannews)-Koox hubeysan ayaa  la sheegay in ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Jaaamacadda Farsamada (The Technical University of Mombasa) oo ku taalla Deegaanka Xeebta leh ee Kwale.

eeeeeee

Booliska iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay Labo Haween ah oo ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacadda, iyadoo Labo Askari, Darewal iyo dhowr Arday ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Qof codsaday in aan magaciisa la soo xigan ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka REUTERS in ay iyada iyo dhowr Aday ku baxsadeen Baskii ay la socdeen, kadib, markii dabley hubeysan tacshiirad ku fureen Kambaska Jamaacadda.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in aan wali la kala cadeyn karin in kooxda weerarka geysatay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in kale, madaama horay Al-shabaab u sheegteen weeraro noocan oo kale ah oo ka dhacay Kenya.