Saraakiil Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsan oo Xabsiga loo taxaabay iyo Derajooyinkooda

Hargeysa(Aftahannews):- Ugu yaraan Sagaal Sarkaal oo ka tirsan Saarkiisha Ciidanka Qaranka Somaliland (Millateriga) oo isugu jira Kornaylo, Kabtanno iyo laba-Xiddigleyaal, ayaa la sheegay inuu Taliyaha Ciidanka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle, Xabsiga u taxaabay, ka dib markii sida ay ila-wareedyo Taliyaha ka ag-dhawi u xaqiijiyeen Aftahannews la eedeeyey.

NEWS

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliyaha toona, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka agdhaw Taliyaha iyo Taliska guud ee Ciidanka ee magaalada Hargeysa, ayaa shabakadda wararka ee Aftahannews u xaqiijiyey in Taliye Ismaaciil Shaqalle amar ku bixiyey in la xidho Sagaal Sarkaal.

Ila-wareedyada ay Aftahannews warkan ka heshay waxay intaa ku dareen in Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqalle shalay amray in la xidho lix Sarkaal oo isugu jira Kornaylo, Kabtanno kulligood derajadaa wada sita, kuwaasoo Isniintii shalay lagu xidhay sida la sheegay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxay ila-wareedyadu sheegeen in Axaddii toddobaadkan uu amray Taliyaah Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle in la xidho saddex Sarkaal oo ka tirsanaa Dhakhaatiirta Ciidanka Qaranka, kuwaasoo la sheegay inay saddexdooda mid waliba sitay derajada laba-xiddigoodle, isla markaana loo dhaadhiciyey dhinaca Xabsiga degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Waxay ila-wareedyada Aftahannews  warkan ka helay tibaaxeen oo ay intaa ku sii ladheen in Saraakiishan kala duwan lagu eedeeyey habsan-shaqo, gudasho la’aan waajibaad shaqo iyo sidoo kale amar-diiddo, hase-yeeshee iluhu may kala caddayn sida eedahaas loogu kala jeediyey. Wixii war ah ee ka soo kordha arrintaas iyo Magacyada Saraakiishaas-ba kala soco Aftahannews.com.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.