Somaliland oo ka hadashay Markab Kalluumaysi oo Ciidammada ilaada Xeebuhu qabteen

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Markab kuwa Kalluumaysiga ah oo laga leeyahay dalka Masar, isla markaana habeen-hore lagu qabtay Biyaha Badda gobolka Selel ee Somalililand, gaar ahaan Biyaha Saylac. Kaasoo ay Xukuumaddu sheegtay in baadhitaan lagu wado sababta uu halkaa ku yimi.

bb7

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland, Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Markabkaas oo laba habeen-ba ku xidhan Xeebta degmada Saylac ee gobolka Selel. Waxaanu sheegay inay Ciidanka ammaanka iyo ilaalada Xeebuhu baadhayaan qaabka uu yimi Somaliland, isla markaana hadduu sifo sharci ah ku yimi la sii-deyn doono haddii kalena tallaabo laga qaadi doono.

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, isla markaana wax laga weydiiyey warar Saxaafadda qaarkeed faafiyeen oo sheegaya in Markabkaas Wasiir Buureed laftiisu oggolaansho u siiyey inuu ka Kalluumaysto Badda Somaliland. Balse waxa uu ku dooday in arrintaas la baadhayo.

“Haddii Somaliland laga mamnuucay, waxa jira shuruudo caalamiya oo markabkii Kalluumaysanaya lagu hago, laakiin ilaa hadda wax aanu fasaxnay ma jirto, haddana imikaba waa laga kaluumaystaa badda, doonyo ayaa jooga oo aanu fasax siinaa, Maraakiib-baa timaadda, waxa laga eegaa shuruudihii iyo wixii Mamnuuca ahaa inay ku kalluumaystaan, wixii doonaya inay ku kalluumaystaan wixii la mamnuucayna sidooda ayaa loo mamnuucaa, imikana kuma jiraan. Laakiin kuwo hadda joogaa (Markabka) hadday shuruuddaa buuxiyaan waa la siinayaa fasaxa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali-Buureed.

Waxaanu Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Markabkaasi wuu yimid oo Saylac ayuu joogaa, waxaana lagu wadaa baadhitaan, haddii laga helo qalabkii mamnuuca ahaa waala ganaaxayaa badda laga saari maayee, haddii laga waayo oo uu diyaar u yahay inuu sharciga waddankeena inagula macaamilana waa la siinayaa fasaxa..”

Geesta kale, Taliyaha ilaalada Xeaha Somailand Admiral Axmed Cismaan oo Aftahannews isku-dayday inay wax ka weydiiso qaabka ay Ciidammada ilaalada Xeebuhu u qabteen Markabkaas, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah naga siiyo.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.