Taliyihii Nabad-sugidda Kismaayo oo la dilay, Rasaas ka socota iyo Maamulka Gobolka oo sheegay cidda dilka Fulisay

Kismaayo(Aftahannews):-Taliyihii Nabad Sugidda magaalada Kismaayo Ciise Kaambooni iyo mid ka mid ah ilaaladiisa,ayaa caawa la dilay ka dib markii  koox dablay ahi ay rasaas ku fureen caawa isagoo gurigiisa ku sii dhaw.

Markii dilku dhacay wax yar ka dib waxaa magaalada ka bilaabantay rasaas goo,goos ah,iyadoo xaaladda magaaladu ay noqotay mid xiisadi ay ka taagan tahay.

Taliyaha Ciidamadda ammaanka ee magaalada Kismaayo Sheekh Maxamuud Qaalib oo  goor dhaweyd la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay in sadex nin oo bastoolado ku hubaysani ay geysteen dilka taliyaha nabad sugidda magaalada Kismaayo Ciise Kaambooni.

Taliyaha booliska magaalada Kismaayo waxaa uu intaa ku daray in sadexda nine e dilka geystay uu ka mid ahaa nin dhawaan ka soo goostay kooxda Al-Shabaab.

Wali waxaa magaalada Kismaayo xilligan ka socota rasaas ka dhacaysa qaybaha kala duwan ee magaalada iyadoo gudha magaaladana lagu soo daadiyay ciiddammo tiro badan oo ka mid ah booliska Maamulka Jubaland eek u sugan magaalada Kismaayo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.