Somaliland: Salaaddiin Go’aammo Adag ka soo saaray Wefti Oromo ah oo Hargeysa u imanaya Xasuuqii Haawadaay – Daawo

SALAADDIINTA HABAR-AWAL OO QODOBBO ADAG KA SOO SAARAY OROMO LA SHEEGAY INAY HARGEYSA IMANAYSO 2017.png

Hargeysa(Aftahannews):- Qaar ka tirsan Salaaddiinta Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhuftay la kulanka Wefti Oromo ah oo la sheegay inay Hargeysa imanayaan, isla markaana doonayaan inay Madaxda Dhaqanka Somaliland kala hadlaan Dadkii tirada badnaa ee Soomaalida ahaa ee dhawaan lagu laayey degaanka Haawadaay ee Killalka Oromada Itoobiya.

SALAADDIINTA HABAR-AWAL OO QODOBBO ADAG KA SOO SAARAY OROMO LA SHEEGAY INAY HARGEYSA IMANAYSO 2017.png

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay weheliyeen Salaaddiin kale, ayaa Maanta mar uu Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin Xasuuqaas.

Waxa uu Suldaanku sheegay inay layaabeen oo aanay marnaba suuragal noqon doonin in Wefti Oromo ah ay Hargeysa ku qaabbilaan ama kula kulmaan, iyadoo aanay dawladaha Somaliland Itoobiya iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ogeyn, isla markaana aanu weli dawlad-deegaanka Oromadu aanay weli raalligelin iyo Tacsi midna ka bixin Xasuuqa ay u geysatay Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo Qodobbada Afarta ah ee ka soo saareen Weftiga Oromada ah ee la sheegay inay Hargeysa imanayaan Faahfaahinaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.