Waddani oo Wasiirka Waxbarashada Ku eedeeyey Masuul Xisbigaa Ku Biiray oo la Xidhay – Akhri oo Daawo

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA MUCAARADKA AH EE WADDANI Maxamed Cawaale (Bustaale)

Boorama(Aftahannews):- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani, Maxamed Cawaale (Bustaale), ayaa ku eedeeyey Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane inuu amray xadhigga Musuul Habeen-hore ku biiray Waddani, ka dib markii uu ka baxay Xisbiga Kulmiye oo uu hore uga tirsanaa, kaas oo lagu xidhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA MUCAARADKA AH EE WADDANI Maxamed Cawaale (Bustaale)

 

Waxaa sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Xisbiga Waddani ka soo baxay maanta, kaas oo uu Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidan:- “Mr. Bustaale, Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani, waxa uu sheegay in maalmihii u dambeeyey ay sii kordhayeen xadhiga lagula kaco taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani, waxaanu ugu baaqay xukuumada Kulmiye inay joojiso falalka noocaas ah, qofka muwaadinka ahina uu xaq u leeyahay inuu xisbiga uu doono ka mid noqdo.

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani, Maxamed Cawaale Bustaale, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Boorama, waxaanu xisbiga Xukuumada Kuliye ugu baaqay in dadka ay kasbato balse aanay ugu imanayn xadhig iyo handidaad, waxaanu xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani uu ku bilaabay shirkiisa jaraa’id oo uu yidhi “Waxaan shirkan jaraa’id u qabtay inaan ka hadlo dhibaatada maalmahan dambe sii kordhay horena usii jiray oo loo geysanayo masuuliyiin xisbiga Waddani ka tirsan, xadhig iyo tacadi badan oo lagu hayo.

Maxamed Faarax Askar oo ka mid ah masuuliyiintii habeen hore (habeen-saddexaadkii) lagu soo dhaweeyey xafladii aadka u balaadhnayd inay ka mid noqdaan xisbiga Waddani, taas oo cadhadii xukuumadu ka qaaday ay keentay in shalayto loo diro sideed askari oo ka tirsan ciidanka Bileyska ee gobolka Awdal isagoo gurigiisii joogana la soo xidho, Masuulkani wax kale kumuu mutaysan in la xidho’e  waxa uu ku mutaystay xaqa uu u leeyahay inuu cabiri karo fikirkiisa xisbina uu ku biiri karo, waxaan leeyahay soomaalidu waxay ku  maahmaahdaa ‘Qoolaydu Madax qabasho biyaha kuma cabto’, iyadoo la leeyahay waliba xadhigiisa waxa ka dambeeyey Wasiirka Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland oo amarka soo bixiyey si loo xidho, oo lagu eedaynayo xisbi ayuu ka baxay xisbina wuu ku biiray, qofka muwaadinka ahi xaq ayuu u leeyahay in xisbiga uu rabo inuu galo xisbiga uu doonana inuu ka baxo oo uu muujiyo in waajib distoorku siiyey ay tahay oon cidina u diidayn.

Xukuumadan Wakhtiga kooban u hadhsan yahay ee Kulmiye waxay Caadaysatay in Masuuliyiinta xisbiga Waddani xidhxidho, waxaanu se leenahay wakhti yar oo kooban ayaa idiin hadhaye dadka ha laga daayo xadhiga. Dadka ka dhex ololeeya oo kasbada oo u sheega waxaad doonaysaan laakiin xoog idiinku iman maayaan dadku waxay idinka kaxayso mooyaane waxba idiin tarimayso, wakhtigiiniina wax yar ayaa ka hadhay, waxaanay muujinaysaa itaal darada ka muuqata masuuliyiinta xisbiga Kulmiye in ilaa wasiir inta uu amar soo bixiyo uu yidhaahdo ninkaa isku qolo ayaanu nahay kama bixi karo fikirkayga, muwaadinku qolo uma xidhna, anigu masuul ka tirsan xisbiga Waddani ayaan ahay reerkayaguna fikirka uu rabo ayuu qaadan karaa haday Waddani galaan iyo haday Kulmiye galaanba kumana khasbi karo, qofka bani’aadama ahina fikirkiisa isaga ayaa u xor ah, waxaanu leenahay ha laga daayo dulmiga iyo tacadiga noocaas ah, sideed askari oo hubaysan ayaa loo diray, inkani muu ahayn dambiile hadii warqad loo diro nin imanaya saldhiga bileyska ayuu ahaa, ha laga daayo handadaada iyo dhibaatada dadka ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaa Qoraal ahaanta nagu soo gaadhay ee Xisbiga Waddani ka soo baxay caawa.

Sidoo kale, Shirka Jaraa’id ee Masuulkani qabtay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.