Tirada Carruur Ku Shuf-beelay Guri ku Gubtay Hargeysa, Hooyadood oo Dhaawac Gadhay & Wasiirro ka Hadlay – Daawo

CARRUUR KU DHIMATAY GURI HARGEYSA KU GUBTAY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah Waalidka dhalay Samir iyo Iimaan haka siiyee, Afar Carruur ah oo yaryar, ayaa ku Shuf-beelay ama ku bas-beelay Dab qabsaday Guriga Qoyskoodu degganaa oo ku yaallay Xaafadda Sheedaha ee magaalada Hargeysa.

CARRUUR KU DHIMATAY GURI HARGEYSA KU GUBTAY 2017

Gurigaas oo Jiingad ahaa ayey ku geeriyoodeen Afar Carruur ah oo Walaalo ahaa, halka Hooyadii dhashayna ay ku dhaawacantay Dabkaas Guriga qabsaday, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku booqdeen Wasiirrada Caafimaadka, Cadaaladda Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo Tacsi u diray Qoyskaas Masiibadu heshay.

Waxaannu Hadallada Wasiirrada Caafimaadka, Cadaaladda, Maareeyaha TV-ga Qaranka iyo Xubno kale oo halkaas iyaguna ka hadlay markay Cusbitaalka ku booqdeen Hooyada Gurigaas ku dhaawacantay, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.