Maareeyaha HEMA BOOKS oo ka Warramay Wax Cajiib ah oo ay Soo Kordhiyeen, kagana Duwan yihiin Shirkadaha kale ee Daabacaadda

HEMA BOOKS 2017 IYO WAXA KU CUSUB

Hargeysa(Aftahannews): Maareeyaha guudee Shirkadda Daabacaadda Buuggaagta ee HEMA BOOKs Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, ayaa sheegay inay Somaliland yeelatay Manjah mideysan oo meesha ka saaray kuwii Dadku sida gaarka ah u soo Daabacan jireen, isla markaana uu Manhankan cusubi horseeday in Ardayda wax ku baranaysay Dugsiyada gobollada Fogfog Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee sannadkan 2017-ka Kaalmaha hore ku guulaystaan, markii Buugaagta Manhanku gaadhay ka dib.

HEMA BOOKS 2017 IYO WAXA KU CUSUB

Waxa uu Maareeyaha guud ee Shirkadda Daabacaadda Buuggaagta ee HEMA BOOKs  Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, sidaa ku sheegay mar uu maanta u warramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews. Mar la weydiiyay Maareeyaha Shirkadda Buuggaagta Ee HEMA Books Cabdiraxmaan Nuur Cigaal waxa ay qabato Shirkadda HEMA BOOK waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Dalka Somaliland muddada 25-ka sannadood ee uu jiray waxa uu soo maray geeddi-socod dhinaca waxbarashada ah,oo waxbarashadu kol-ba geed ayay soo fadhiisanaysay oo tayada waxbarashaduna kolba heer ayay soo maraysay,waxaan soo marnay wakhti aanay waxbarashadeennu lahayn Macallin tayo leh, oo Buugaag aanay jirin ardeygu meel uu fadhiistaana aanay jirin, tacab baddan iyo isku xidhnaan shacabka  dhexmartay, aqoonyahanka iyo dawlada maanta ardey-kasta waxa uu fadhiyaa Fasal, waxa uu leeyahay Kursi iyo miis waxa uu leeyahay Macallin, si loo helo waxbarasho tayo leh waxaannu dalka Somaliland u sameynay oo aanu u daabacnay  manhaj mideysan, kaas oo maanta keenay inay Ardeydii ka socotay gobollada fog fog ee dugsiyada dawliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay ku Guuleystaan kaal-maha ugu sarreya.”

“Waxaanay meesha ka saartay dadkii sameysan jiray manhajyo u gaara..waxaanan kaashanaynay Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo waxaanu soo saaray manhajkii ugu horeeyey ee aynu gacanteena ku sameysano oo tayo leh. Iyada oo ay wakhtiyadii hore ay gacanta inoogu hayn jireen hay’ado oo sanadka ay manhajka lacag u helaana way soo daabici jireen marka ay waayaana way iska dayn jireen, Saddexdii sanadood ee u danbeeyey hay’adahaasi umay helin kharashkii ay ardeydeena kaga bixin jireen Buuggaagta…iyada oo ay is-kaashanayaan Shirkadda HEMA iyo Wasaarada waxbarashadu ayaa waxa fadhiistay 106-aqoonyahan oo qorey buuggaagtii Dugsiyada hoose, dhexe waxaanu soo saarnay 95-Buug oo isugu jira Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sarre oo tayadoodu aad u sareyso waxaanan ka daabacnay tiradii buuggaag ugu badnayd ee Manhaja ee la daabaco taariikhda Somaliland oo ah 1,500,000 (Milyan iyo shan boqol oo kun oo Buug). ”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur Cigaal.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Wejigii labaadna waxaanu sameynay inaan Buuggaagta u turjuno luuqada Ingiriisiga oo dugsiyada qaar ku qaataan. Maanta waxa dhammaan xarumaha HEMA ku diyaara Manhajkii oo Af-Soomaali ku qoran iyo manhajkii oo ku qoran Ingiriisi. Waxaanan aaminsanay manhajka tayada leh ee Somaliland yeeshay inay wax baddan ka tarayso qaranimadeeni iyo Sumcadii ay Somaliland ku dhex lahayd geeska Afrika iyo caalamka-ba.”

Mar la weydiiyay Maareeyaha guud ee Shirkadda buuggaagta ee HEMA BOOKs Md. Cabdiraxmaan Nuur Cigaal Cilmi, waxay kaga duwan yihiin shirkadaha kale ee wax daabaca? Waxa uu ku jawaabay “HEMA BOOK maaha shirkad daabacaad oo kaliya,HEMA waa waxa la yidhaahdo Book Stories isku xidhan oo dalka oodhan ka sameysan, waxaanu xarumo ku leenahay dalka oodhan, degmooyinkana waxa noo jooga wakiil oo buuggaagta HEMA iibiya, Manhajka waxbarashada oo kaliya kama shaqeyno ee waxaanu keenay dhammaan agabkii waxbarashada oodhan oo isugu jira agabkii ardayga dugsiga sare dhigtaa uu tijaabooyinka ku sameynayay marka uu soo qaato Maadooyinka Kimistariga, Fiisigiska, iyo bay’oolajiga, waxaanu u keenay qalabkii uu ku sameynayay tijaabada Science Lap Equipment And Chemicals aanu iskuuladii u sameyno waana markii ugu horeysay ee ay dalkeena ka bilaabanto. Waxa kale oo aanu keenay agabkii kale ee caruurta waxbarashadooda kaabayey, buuggaagtii sheekooyinka ahaa, siday Kaal-kuleetarkii,Campus-kii uu ardeygu wax ku baranayey, Buggaagta wax lagu qoro, waxyaabahaas oodhan oo ilmaha waxbarashada ka caawiya oo jeclaysiiya.Markaa HEMA  waa BOOK STORIES isku xidhan oo dalka oodhan ka jira, qofku magaalo kasta ha joogo ama Gobol kasta ha joogo waa inuu sida ugu fudud ku heli karo agarbkii waxbarashada ee ilmuhu u baahna.”

“Waalidku berigii hore Miisaaniyada reerka kumay darsan jirin inay ilmaha u iibiyaan agabkii waxbarashada, waalidku Dharka,Cunta iyo Kirada way ku xisaabtami jireen, laakin waa markii ugu horeysay ee aan dadka barayno sanadku marka uu bilaabmo sida Ciidaha suuqa loo tago oo kale marka uu Sanad-dugsiyeedku bilaabmo inay dadku yimaadaan Xarumaha HEMA BOOK oo ilmaha loo iibiyo agabkii waxbarashada oodhan,taasi waxay Caruurta jeclaysiisay waxbarashadii waxaanay xiiso-gelisay. Shirkadaha kaleba,taasina waa mid dalkeenu u baahnaa, waalidkana waa inaan jidhka oo kaliya ilmaha laga dhisin, balse ay HEMA BOOK ay tahay meeshii Caqliga lagu dhisayay. Taas oo aan aaminsanay haddii caruurtu dhisanto oo xadaaradihii kala duwanaa ee adduunka yaalay ay akhristaan inay inoo soo bixi karaan Ubad iyo Jiil dalkeena ka saara dhibaatooyin baddan oo haysta oo xaga dhaqaalaha oo xaga Siyaasadda, oo Xagga Wershadaha ah”.

Sidoo Kale, Mar la weydiiyay Maareeye Cabdiraxmaan Shirkadda HEMA Book waa shirkadii ugu horeysay ee dalka laga hirgeliyo ee maal-gelisa Buuggaagta Qalinlleydu qoraan bal arrintaasna noo faah-faahin naga sii ,? Waxa uu ku jawaabay “Waxaanu tan u sameynay si aanu u xalino dhibaato weyn oo haysatay qorayaasha Buuggaagta, oo ninka qoraaga ahi marka uu qoro Buuga wax kharash ah kamuu heli jirin, taasi waxay carqalada kowaad, qorayaasha Buuggaagta waxaanu u sameynay Xarun ka furan Gobolada oodhan oo buugiisa marka uu soo saaro laga wada heli karo.Taasi waxay keenaysa inaan qoraagii iyo Buugii meesha ka wada bixin, uu dhaqaalana uu ka helo oo buugiisiina uu ahaado mid muddo sii jira, oo dadkii dibadda ayay ka soo dalbanayaan waddamada jaarka ayay ka soo dalbanayaan, laakin dadku markii hore fursadaasi may haysan.Markaa qorayaasha Buuggaagta waxaan ugu bushaaraynaynaa Buugga HEMA ha daabacdo ama Shirkad kale ha daabacdo qoraagu marka uu buuga soo saaro inuu keeno HEMA oo buugiisu la mid noqdo buuggaagta caalamiga ah. Waxaanan doonaynaa inaan qorayaasha Buuggaagta ku dhiirigelino inuu buugooda ka soo galo dhaqaale oo aanu gaadhsiino dhammaan shacabka reer Somaliland Gobolada iyo degmooyinka meelkasta oo uu joogo”.

“Waxaanu doonaynaa inaanu Manhajkeena soo gaadhsiino inuu la jaan-qaadi karo, waddamada kale caalamka ee manhajkoodu tayada leeyahay. Waddamo baddan oo ka mida Geeska Afrika waxay wadaan qorshe ah marka uu ilmuhu dugsi sarre ka baxo inuu noqdo ilme Niijaara oo Kursigiisa iyo Miiskiisa sameysan kara, ilme Makaaniga oo haddii gaadhigiisu ka xumaado sameysan kara, inuu yahay dab-geliye (Electrician) oo haddii aqalkiisu uu dabku ka xumaado uu dabka gashan-karo oo ilmaha maca la baro wax-karinta (Cooking-ka). Markaa annagu (HEMA) waxaanu u kacnay inaanu wasaarada waxbarashada kala shaqeyno sidii aanu u sameysan lahayn gudaheena manhaj tayo leh, oo dhaqaalaheenan dib-u-dhacay horumar dalka u gaadhsiin lahaa,”.Ayuu yidhi.

“Dawlada Somaliland oo kaliya waxaanu la qornay 185-Buug oo tiro yar maaha. Inta aanu dad shakhsiyaad la qornay tiro malaha oo waa tiro aad u baddan. Annagu (HEMA) waxaanu xidhiidh la leenahay daabacadayaasha (Publishers) adduunka ugu waa-weyn sida OXFOD, CAMPRIDGE iyo qaar kale oo baddan, oo buugaagtoodii halkan ayay taala waxaanu sidaas u sameynay in xadaaradi iyo aqoontii adduunka taalay halkan laga heli karo. Waxa kale oo aanu keenay Buuggaag kor u qaadaysa saqaafada iyo wax-akhriska. Waxa Kale oo aanu xoogga saarnay in Sheeradii Diinta Islaamka laga helo HEMA maadama aynu nahay umad 100% islaama, ma tiro yara cilmiga qoonta qoran ee aanu halkan ku soo uruurinay.Ganacsatada waxaanu leenahay waar buuggaagta Manhajka ka iibiya HEMA oo geeya Gobolada aad ka soo jeeda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.