Ciidanka Puntland oo Qabtay Doon Hub ah oo Ganacsato Reer Garoowe ahi u wadeen Gobollada Dhexe ee Soomaaliya

DOON HUB SIDDA OO CIIDANKA BADDA PUNTLAND QABTEEN 201Y7

Boosaaso(Aftahannews):- Ciidammada ilaalada Xeebaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa Maanta gacanta ku dhigay Doon sidday Hub Sharci-darro ah, taas oo ku sugnayd meel aan wax badan ka fogayn Xeebaha Puntland.

DOON HUB SIDDA OO CIIDANKA BADDA PUNTLAND QABTEEN 201Y7

Hubka saarnaa Doonta ayaa isugu jiray Qoryaha Dhashiikaha, AK7-ka, Qoryaha BKM-ka, Rasaas iyo qaybo ka mid ah Hubka noocyadiisa fudud, waxaana laga qabtay deegaanka Marooro oo qiyaastii 9-KM u jirta magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ee gobolka Bari.

“Doontan waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee Puntland, waxaana laga soo qabtay deegaanka Maroore, halkaasi oo ay hawlgallo ka wadeen Ciidammadu, waxaa Doonnida saarnaa Hub noocyo kala duwan leh.” Sidaa waxa yidhi Gaashaanle Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Badda ee Puntland.

Waxa Sarkaalkaasi sheegay in qayb ka mid Hubka hadda gacanta lagu hayo, laga soo qabtay Berriga, xili la doonayay in gudaha loo soo geliyo Puntland, balse muu sheegin Cidda uu sida gaarka ah ugu socday Hubkaasi.

Sarkaal Ciidammada Badda Puntland ka tirsan oo la hadlay Warbaahinta Hiiraan.com, ayaa sheegay in Hubkani ay Mulkiyaddiisa lahaayeen Ganacsato reer Puntland ah, isla markaana la doonayay in loo gudbiyo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Sarkaalkaas Hiiraan la hadlay oo aan magiciisa la shaacinnini.

Doonta Hubka lagu qabtay, ayaa lagu magacaabaa Al-Furqaan, waxaanay ka timid Dalka Yemen oo immika ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya Kooxo iska soo horjeeda oo ay kala hoggaaminayaan Jabhadda Xuutiyiinta iyo Dawladda laga awood-roonaaday dalka Yemen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.