Daawo: Boobe Yuusuf Ducaale oo Daabacaadda 3-aad ee Diiwaanka Timacadde Ku Soo Bandhigay Gabiley

BOOBE YUUSUF DUCAALE OO DAABACAADDA SADDEXAAD EE DIIWAANKA TIMACADDE KU SOO BANDHIGAY GABILEY 2017

Gabiley(Aftahannews):- Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa Daabacaadda Saddexaad ee Buugga Diiwaanka Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku soo bandhigay Munaasibad xalay lagu qabtay magaalada Gabiley oo Maamul, Madax-dhaqameed, Qoraayo, Aqoonyahan, Haween iyo Dhalinyaro-ba ka qaybgaleen.

BOOBE YUUSUF DUCAALE OO DAABACAADDA SADDEXAAD EE DIIWAANKA TIMACADDE KU SOO BANDHIGAY GABILEY 2017

Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa Sharraxaad ka bixiyey Shaqsiyaddii Abwaan Timacadde, qaabkii uu u dhaqmi jiray, Aqoonta uu Boobe ahaan u lahaa, halkay ku kulmeen iyo wixii dhex-maray-ba waxa uu kaga sheekeeyey Xafladda lagu soo bandhigay Buugga Diiwaanka Timacadde Daabacaaddiisa saddexaad, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.