Suldaan Cusub oo lagu Caleemo-saaray Deegaanka Caabudla ee Gobolka Gabiley – War + Sawirro

CALEEMO-SAARKA SULDAANKA CUSUB EE ISMAACIIL JIBRIIL 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xaflad caleemo saarka suldaanka cusub ee beelaha ismaaciil jibriil oo ka qabsoontay deegaanka cabudla ee gobolka Gabiley isla markaana ay ka soo qayb galeen wasiiro ka tirsan xukumadda, duqayaal, madax-dhaqameed tiro badan, aqoonyahano iyo marti sharaf kale xaflada caleemo saarka suldaanka.

CALEEMO-SAARKA SULDAANKA CUSUB EE ISMAACIIL JIBRIIL 2017

Munasibadan oo sii heer sare loo soo agaasimay maalinti shalay ee caleemo saarka suldaan Ismaacil Sheeikh Cumar Xasan lagu caleemo saaray deegaanka Cabudla oo ka tirsan degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley isla markaana caleemo saarkiisu ku beegmay maalinti ugu horayse curashada sanadka cusub ee diinta Islaamka, waxaana xafladasi intii ay socotay ka hadlay ka hadleen dhowr arrimood oo ugu door wayna miidaynta dadka walaalaha.

“Horta ilaalahay baa mahad leh in uu manta (shalay) ina kulansiyoo madashan caleemo saarka suldaanka iyadoo taariikhda islaamka ay kow tahay, waxaa kalo ilaahay ugu mahadnaaqayna barwaaqada uu ilaahay manta ina siyee iyo sida manta goboladeeni ay u barwaaqsan yihiin oo ilaahay abaarti inaga jebiyey ban ilaahay ugu mahadnaqayna. “ Sidana waxa yidhi badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley, mujaahid Cali Case.

Agaasimaha guud ee wasarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa uu mahadnaaqay kasoo qayb galka munasibada caleemo saarka suldaanka isago xusay in suldaan Ismaaciil sheikh Cumar Xasan wax badan ka qabaan doono hawlaha manta lo caleemo saaray, waxaana hadalkiisu uu dhigna sidan “Waxaa farxaad wayne inuu ah inaynu idinkala soo qayb galno xafladan sharafta iyo qiimaha badan leh ee lagu caleemo saarayo manta oo sanadkii kowaad ee islaamka ah.

Suldaan ismaaciil sheikh cumar xasan oo runtii manta kamid noqonaya salaadiinta Somaliland, wax badan banu runti ka soo wada shaqenay iisago suldaan ahayn runtiina wa nin add iyo add karti badan dabeecaad wanagsan oo dad wad leh. Waxaana rajeenayna in shaa Allahu wa kaariim wax badan kusoo koordhin doono waxbadana ka qabaan doono hawlahas manta (shalay) loo caleemo saarayo wana ugu duceynayna.

Wasirka wasarada cadalaada Somaliland, Axmed Faraax Caddare ayaa madasha ka duceyee in uu ilaahay sanadka cusub ee islaamka noga dhigo sanad khayre qaaba, waxaana hadalkiisu uu dhigna sidan “sidaa ula socotan anigu nin yar baan ahay, laakinse taariikhda inta ann ka soo gadhay. Golaha dhaqaanku, haddba xukumaddi joogta gacan saar lalaha, qaabiil kumu xidhnayn.

Salaadiinta iyo cuqaashu waxaa ay kamid ahayeen golaha amniga iyo cadalaada ila xiligii Isticmaarka Ingiriiska ee la asaasasay,waxaana ay ahayeen haddba xukumadda gacanta ku haysa oo salaadiintoodu inta ay suuqa isasoo tagan hadanu reer hebel nahay xisbigas ayanu taageerayna, dhaqaan ahaan wa ku ceeb. Way ka sareeyaan.”

Waxaa sidoo kale madasha caleemo saarka suldaanka ayaa ka hadlay madax-dhaqameed add uu tiro badan ay kamid ahayeen Jiif Caaqil Cabdiraxman Xasan Xoore, Jiif Caaqil Axmed aw Cali Shabeel iyo Jiif Caaqil Axmed Fara Guud iyo Caaqil Maxamed Xaji Cabdi Nuur oo dhamaantood soo dhowenayaan suldaanka cusub.

Ugu dambayntiina, waxaa xaflada caleemo saarka soo khaatimay suldaan Ismaacil sheikh Cumar Xasan oo uu mahadnaqay dhamaan kasoo qayb galayasha munasibadda isla markaana uu ducooyiin badan, waxaana suldaanku hadalkiisu uu dhigna sidaan “Mahada koowaad waxa iska leh ilaahay oo madashan isku-keen keenay innago nabad qaabna oo barwaaqaysan iyo dhulkeena oo nabad ah dadkeeni oo nabad ah cafimaad qaaba ilaahayna inuu roon yahay.

Mahada labaad waxa iska leh dhamaan bulsho waynta halkan isugu timid ee mudanayaal, marwooyin, madax, wax garad, cuqaal, salaadiin, ugaasyo, wayeel iyo cid walba oo leh ayaa mahada labaad iska leh. Mahad dabadeed waxa aniga igu gudboon oo manta halkan ee taala mahadnaaq add iyo add idinku mahadnaaqaya.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.