Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Hadlay Curashada Sannadka Cusub ee Islaamka 1439, Hambalyana U Bulshada

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1439 Taariikhda Hijiriyada oo xalay Curtay, kuna beegan Taariikhda Milaadiga  21/09/2017, waxa uu ku Hambalyeeyey guud ahaan Shucuubta Islaamka, gaar ahaan Bulshada Somaliland, waxaanu sidoo kale u diray Duco iyo Allaah ka baryey inuu Sannadkan sannadkiisa iyo sannaddo badan oo kale Bashbash, Barwaaqo, Horumar, Nabad-qab, Midnimo iyo Wada-jir innagu gaadhsiiyo.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsanaa Hambalyada iyo Ducada Madaxweynaha Somaliland, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen-Dayr, ayaa Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka 1439 (Hijiriyada) awgii taariikhda milaadiguna ay tahay 20.09.2017, uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Wadamada islaamka iyo shacbiga muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan. isagoo ku tahniyadaynayaa curashada sanadka cusub ee Islaamka.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo inagoo isku duuban shacbi iyo xukuumaddaba.  Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalkan ah ee ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.