Gabadh Reer Jabuuti ah oo ka Warrantay Booliska iyo Shacabka Oromada oo iyagoo Cunaya laga Badbaadiyey & Dad kale – Daawo

CAASHA CIISE OO AH HAWEENAY REER JABUUTI AH OO BOOLISKA IYO SHACABKA OROMADU CUNEEN 2017

Herer(Aftahannews):- Caasha Ciise oo ah Haweenay Soomaaliyeed oo Reer Jabuuti ah, ayaa ka warrantay dhibaato iyo garaacis fool-xun oo ay Ciidammada Booliska Oromada iyo Dad Shacabka Oromada ka tirsani ugu geysteen deegaanka lagu magacaabo Haramaayo, iyada oo ka tagtay Herer oo ay Safar Caafimaad marka hore ku tagtay, taasoo dhibaato badan oo nabarro ah oo ay Koomo la gashay ugu geysteen, ka dib markii ay Gaadhi ay Herer ka raacday kala degeen.

CAASHA CIISE OO AH HAWEENAY REER JABUUTI AH OO BOOLISKA IYO SHACABKA OROMADU CUNEEN 2017

Gabadhaas oo Koomo gashay, waxay sidatay oo dhanna ay ka qaateen Booliska iyo Shacabka Oromada ee isugu tegay, ayey badbaadiyeen Ciidammada Dawladda Federaalka Itoobiya iyadoon is-ogeyn, isla markaana loo soo qaaday dhinaca magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo saddex cisho markii lagu dawaynayey ay ka soo baxday Koomada ay la gashay garaacista iyo dakharrada meel kasta leh ee wejiga iyo madaxa u badan ee Oromadu u geysatay.

Haddaba, Haweenaydaas Caasha Ciise iyo Dad kale oo Reer Jabuuti ah oo iyagana ay Ciidammada federaalka Soomaaliya Badbaadiyeen oo la keenay Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dhammaantood ka warramaya dhibaatada ay Oromadu ku hayso Soomaalida iyo sida iyaga loola dhaqmay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.