Musharrax Cirro oo Mujaahid Jiciir Aw-Axmed oo Xanuunsanaya Ku Booqday Gurigiisa Hargeysa + Sawirro

MUSHARRAX CIRRO OO MUHJAAHID JICIIR AW AXMED KU BOOQDAY GURIGIISA HARGEYSA 08 SEPTEMBER 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Mujaahid Jiciir Aw Axmed oo Dhul-yaal ahaa tan iyo in dhawayd Jimcihii Maanta ku booqday Gurigiisa magaalada Hargeysa.

MUSHARRAX CIRRO OO MUHJAAHID JICIIR AW AXMED KU BOOQDAY GURIGIISA HARGEYSA 08 SEPTEMBER 2017

Mujaahid Jiciir Aw-Axmed Xasan oo ka mid ahaa Aas-aaseyaashii ugu horreeyey Ururkii SNM ee Somaliland Xoreeyey, isla markaana muddooyinkii dambe xaalad caafimaad u jiifa Gurigiisa degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayuu Cabdiraxmaan-Cirro markii laga soo baxay Salaaddii Jimcaha ee Maanta waxa uu Booqasho ugu tegay Oday Jiciir.

Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa Jiciir Aw-Axmed Allaah uga beryey inuu Caafimaad siiyo, waxaanu sheegay in Jiciir ka mid ahaa Odayaashii istaadhay Halgankii Hubaysnaa ee SNM dalka ku xoray, isaga oo ku ammaanay inuu Magac iyo Maamuus iyo door Shariif ahba ka soo qaatay Halgankaas.

Mujaahid Jiciir Aw-Axmed oo isna Ducadaas ka dib la hadlay Musharrax Cirro, ayaa uga mahad-celiyey booqashadaas uu ugu tegay, isaga oo Alle uga baryey in uu hammigiisa ku guuleeyo. Oday Jiciir waxa uu Cirro kula dardaarmay in haddii uu ku guuleysto Madaxtinnimada dalka Somaliland uu oggaado ku dhaqanka Cadaalad iyo Sinnaan buuxda.

Allaah Caafimaad ha siiyee Mujaahid Jiciir Aw-Axmed, sida lagu sheegay War Waddani ka soo baxay, waxa uu ka mid ahaa dhawrkii Qof ee ugu horreeyey ee aas aasay ururkii SNM, waxaana uu wakhtigiisii ugu badnaa uu ku soo qaatay xoreyntii dalka iyo weli ba sida oo kale siddii qaranka Somaliland uu u gaadhi lahaa horumar buuxa oo ay ku tallaabsadaan, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xisbiga Waddani. 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.