Ciidammada Maraykanka oo Shaaciyey inay Soomaaliya ku Dileen Sarkaal Al-Shabaab ka Tirsanaa

Maraykanka oo Shaaciyey inuu Duqeyn Soomaaliya uu ka sameeyey Sarkaal AL-SHABAAB KA TIRSANAA KU DILAY 08 SEPTEMPER 2017

Somalia(Aftahannews):- Taliska Ciidammada Gaarka u tabobbaran ee Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa Jimcihii Maanta War ka soo baxay lagu sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen dalka Soomaaliya lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab.

Maraykanka oo Shaaciyey inuu Duqeyn Soomaaliya uu ka sameeyey Sarkaal AL-SHABAAB KA TIRSANAA KU DILAY 08 SEPTEMPER 2017

War-Saxaafadeedkaka Jimcihii Maanta ka soo baxay  Taliska Ciidammda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in iyadoo iskaashi lala yeelanayo Ciidammada dawladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidammada Mareykanku qaadeen weerar dhinaca Cirka ah oo qorsheysanaa.

Talisku Warka uu soo saaray oo sii socday, ayaa lagu sheegay in Weerarkaas lagu bartilmaameedsaday Fadhiisin Al-Shabaab leedahay Maalintii Khamiista ee dorraad Abbaaro 2:45 (Labadii iyo Shan iyo Afartan Daqiiqo) Duhurnimo xilliga Saacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya. Waxaana weerarkaas ku dhintay Hal Argaggixiye; sida lagu sheegey War-Saxafaadeedka.

Hawl-galkan Ciidan ee Maraykanku sheegay inuu fuliyey, ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Baraawe oo 270-KM u jirta magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Ciidanka Mareykanka, ayaa halwgalkan fuliyey, iyadoo la raacayo awaamiirtii Madaxweynaha Mareykanku uu bishii March sannadkan 2017-ka, soo saaray, kuwaas oo u oggolaanaya Ciidammada Maraykan inay ku beegsan karaan Al-Shabaab, iyadoo taageero iyo tilmaan laga helayao Ciidammada Soomaaliya deegaannada ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Inkasta oo War-Saxaafadeedkan Taliskak Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) maanta ka soo baxay lagu sheegay in Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ka tirsan ay ku dileen hawlgalka ay sameeyeen Khamiistii, haddana Magaca Sarkaalkaas laguma caddaynin Warka.

Waxaa-se Warku intaas ku daray, in Ciidammada Maraykanku sii wadi doonaan Taageerada ay Soomaaliya ka siinayaan la-dagaallanka Al-Shabaab, sidoo kalena sii wadi doonaan wax kasta oo macquul ah oo Maraykanka lagu badbaadinayo, illaa inta laga takhallusayo Kooxdaas, sida War-Saxaafadeedka lagu sheegay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.