Faadumo Siciid Maxay ka tidhi Warka Sheegaya inay Xisbiga Waddani ka Baxayso oo Khilaaf Jiro? – Daawo

FAADUMO SICIID IBRAAHIN OO KA HADASHAY INAY XISBIGA WADDANI KA BAXAYSO IYO IN KALE 06 SEPTEMPER 2017.png

Hargeya(Aftahannews):- Faadumo Siciid Ibraahin oo ah La-taliyaha arrimaha dibedda ee Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka hadashay Warar laysla dhex-marayey maalmahan oo sheegaya inay ka baxayso Xisbigaas oo khilaaf soo kala dhex-galay iyada iyo Hoggaanka Waddani, isla markaana waxay ku dooday inay Wararkaasi yihiin kuwo xaqiiqada ka fog oo aan sal iyo raad toona lahayn.

FAADUMO SICIID IBRAAHIN OO KA HADASHAY INAY XISBIGA WADDANI KA BAXAYSO IYO IN KALE 06 SEPTEMPER 2017.png

 

Faadumo Siciid oo Warbaahinta qaarkeed maanta kula hadashay magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ka hadashay oo ay ku dhalliishay Xukuumadda Siilaanyo Biyo la’aan soo foodsaartay Dadka ku dhaqan Magaalo-xeebeedka Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo illaa intii xagaaga lagu jiray ka cabanayey Biyo la’aan.

Waxa kale oo ay sidoo kale ka hadashay Faadumo, Sicir-bararka Dalka ku baahay iyo Cashuur ay sheegtay in Wasiirka Maaliyaddu ku kordhisay Bulshada, iyadoo ku eedaysay Wasiirka Maaliyaddu inay ku fashilantay hagista iyo hoggaaminta Wasaaraddaas iyo wax ka qabashada Sicir-bararka iyo Qiimaha Sarrifka Doollarka oo halkii ugu sarraysay intii Somaliland jirtay wakhtigan maraya.

Haddaba, Marwo Faadumo Siciid oo arrimahaas iyo kuwo kale-ba faahfaahin ka bixinaysa, waxaannu Hadalkeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.