Dawladda Britain oo Cabsi Xooggan ka Muujisay Khatarta Argaggixiso ee Dalkeedu Waajahayo oo Korodhay

KOOXDA DAACISH

Britain(Aftahannews):- Khatarta argagixiso ee soo wajahaysa Waddanka Boqortooyada Britain, ayaa sare u sii kacday oo korodhay xilli Kooxda isku magacaawday dowladda Islamka ee Daacish uu gacantooda kasii baxayo Dhulkii ay gacanta ku hayeen ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

KOOXDA DAACISH

Sida uu sheegay Wasiirka Amniga Ingriisku, Khatarta Argaggixiso ee UK uga imanayasa kooxda ISIS ama Daacish, ayaa ah mid korodhay dhawaanahan. Wasiir Ben Wallace, ayaa sheegay in Kooxaha xag-jirka ah ee Daacish ay isku dayayaan in ay weerarro ka geystaan UK.

“Waxay doonayaan ISIS inay weerarro ka geysato waddankan Britain, sababtoo ah qaarkood way u suuragali wayday in ay ku biiraan ISIS, qaar kalana way ka soo laabteen Dhulka ay koooxahaasi haystaan, dibna way ugu soo laabteen Britain.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Amniga Britain Ben Wallace, sida ay faafisay Idaacadda BBC-du.

Waxa uu Wasiirku sheegay in dalalka Yurub ay kooxaha argagixisada ka gaysanayaan weeraro joogto ah. Wasiir Wallace, ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga fahmo barnaamijka ka hortagga iyo la-dagaallanka Argaggixisada.

Hadalka Wasiirka Amniga ee Boqortooyada Britain, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Kooxda ISIS sheegteen Masuuliyadda weerarkii magaalada Barcelona ee dalka Spain ka dhacay 17-kii bishan August, halkaas oo 13 Qof ay ku dhinteen, ku dhawaad Lixdan kalena ku dhaawacmeen.

Kooxda argagixisada ah ee Daacish, ayaa Ciidammada Ciraaq waxay ka qabsadeen bishii hore magaalada Mosul oo ay ku xooganaayeen,halka uu socdo howlgal kooxda looga qabsanayo magaalada Raqqa.

ISIS, ayaa waxay sannadkii 2014 qabsadeen magaalada Raqqa waxa ayna sheegeen in ay tahay Caasimadda Ururka. Mr Wallace ayaa u sheegay BBC: “Waxa aan u malaynayaa in wali khatarta ay sii kordhayso ,waxaa taasi sabab u ah kooxda IS oo sii burburaysa iyo dhulkii ay haysteen oo gacantooda ka baxaya. Waxaan u malaynayaa in labadaasi arimood ay tahay sababta ay khatartooda u sii kordhoyso.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Wallace.

Wasiirka amniga ayaa dhanka kale xusay in ay muhim tahay in dadka ay la shaqeeyaan barnaamija la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada ee dowlada,kaasi oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo xagjirnimada. Wasiir Wallace, ayaa intaa ku daray in uu amray in shacaka macluumaad badan laga siiyo barnaamijka ka hortaga argagixisada iyo guulaha laga gaaray si shacabka ay uga qayb qaataan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.