Fashilaad Soo Food-saartay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qasnad Madhan Jabsaday

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa jebiyey Qasnadda Wasaaradda ee lagu ridi jiray Lacagta Gunnada ah iyo Lacaha Hay’aduhu bixiyaan qaarkood, ka dib markii ay Madaxii Xafiiska Gunnooyinka iyo Lacagta Hay’adaha ay baxday dhinaca magaalada Muqdisho, iyada oo aan wareejin Xisaabaha, Kharashka iyo Xafiiska ay haysay, balse xilka laga qaaday, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Masuuliyiin jebinta Qasnaddaas goob-joog u ahaa.

WASAARADDA CAAFIMAADKA AGAASIME IYO QASNAD

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa Jimcihii Aftahannews u sheegay inay Haweenayda Madaxda ka ahayd Xafiiskaas oo marka hore la sheegay inay Muqdisho Lacag ula baxsatay inaanay baxsan, hase-yeeshee ay Baasaabboor u doonatay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, isla markaana ay 15-ka bishan aynu ku jirno Hargeysa ku soo noqonayso, markaasna ay wareejin doonto Xafiiska oo uu xusay inay badhkii sii wareejisay.

Hase-yeeshee, Isniintii shalay ayay Hawladeennada iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland jebiyeen Xafiiska ay Madaxda ka ahayd Haweenaydaas oo lagu magacaabo Warda Axmed Jaanbiir, waxaanay Jebiyeen Qasnad nooca waawayn ee Wasaaradaha dawladdu ku shaqeeyaan ah oo lagu ridi jiray Lacagta Gunnooyinka Shaqaalaha iyo Lacagta Adag ee hawlgelinta Barnaamijyada qaarkood, iyada oo lacagta adag ee Hay’adaha inteeda badan lagu shubo Akoonno (sanduuq-xisaabeedyada) Shirkadaha Lacagaha lagu keydiyo qaarkood.

Shabakadda wararka ee Aftahannews ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan Masuuliyiinta goob-joogga u ahaa Jebinta Qasnaddaas, inaan haba-yaraatee wax lacag ah oo loogu tegay jirin, isla markaana ay naxdin iyo anfariir kala kulmeen Masuuliyiinta jebiyey Qasnaddaas oo uu amarka lagu jebiyey bixiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku inay kala kulmaan waxba la’aan oo ay haawanaysay Qasnaddaasi.

Wararka ay Aftahannews ka helayso Wasaaradda Caafimaadka Somaliland xarunteeda Hargeysa, ayaa tibaaxaya, inay Warda Axmed Jaanbiir, sababta ay illaa Muqdisho u tagtay la xidhiidho, caddaalad-darro iyo is-beelaysi lagu sameeyey, lagana qaaday xilkii ay Wasaaraddaas ka haysay oo loo magacaabay Nin ay isku Beel yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo isaga laftiisa ay isku beel yihiin Madaxweynaha talada haya Md. Axmed-Siilaanyo.

Hase-ahaatee, Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, ayaa u muuqda kuwa Go’a saaraya fashilaadda ay arrintaas kala kulmeen, isla markaasna qarsanaya dhaawaca ka soo gaadhay Aar-goosiga ay Haweenaydaasi kaga aar-gudatay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaada Somaliland.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.