Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlay doorashadii Guddoomiyaha Wakiillada oo Xisbigiisu Musuq ku Sheegay

CABDIRAXMAAN-CIRRO OO KA CODAYNAYA GOLAHA WAKIILLADA OO UU XILDHIBAANNIMO HADDA KU FADHIYO

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay xaqiijin u baahan tahay eedayn Xubno Xisbigiisa ka tirsani u jeediyeen Shir-guddoonka iyo Hawl-wadeennada Golaha Wakiillada Somaliland.

CABDIRAXMAAN-CIRRO OO KA CODAYNAYA GOLAHA WAKIILLADA OO UU XILDHIBAANNIMO HADDA KU FADHIYO

Eedayntaas oo ay Siyaasiyiin Xisbiga Waddani ka tirsan iyo Xildhibaannada taageera Xubin ka mid ahi jeediyeen, ayaa la xidhiidha Tirada Codadkii ay Axaddii Maanta ku kala guulaysteen Musharrixiintii u tartamay jagada uu Arbacadii isagu iska casilay ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kala helay 38 Cod oo Talyanle oo Waddani watay helay iyo 39 Cod oo Baashe Maxamed Faarax oo Kulmiye iyo Xukuumaddu wateen ku guulaystay oo Xubno Waddani ka tirsani sheegeen in la is-weydaariyey tiradaas.

Waxaanay Xildhibaan Baar iyo Xubno kale oo ka hadlay shalay sheegeen in Cabdiraxmaan Talyanle helay 39 Cod, balse la is-dhaafiyey oo Baashe la siiyey 39-kii, Talyanlena lagu reebay 38 Cod. Hase-yeeshee, Cirro oo Universal TV la hadlay, ayaa si kooban uga jawaabay su’aal laga weydiiyey inuu qaladkaa la sheegay la socdo iyo su’aalo kale-ba, waxaanannu idiinku soo gudbinaynaa Waraysigaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.