Baashe Maxamed Faarax oo ka Hadlay Dareenka Guushii Kursiga loogu Dhawaaqay ee Fadeexaddu ka dambaysay

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND LOO DOORTAY BAASHE MAXAMED FAARAX 06 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Baashe Maxamed Faarax oo Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland Maanta sheegay in loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, ka dib markii ay Kursigaa ku tartameen Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle), isla markaana kala heleen 38 Cod iyo 39 Cod, sida Ku-xigeenka 2-aad sheegay. Kaasoo uu Talyanlena caawa shaaciyey in la is-daba-mariyey Codadka oo uu isaga Guddoomiye loo doortay.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND LOO DOORTAY BAASHE MAXAMED FAARAX 06 AUGUST 2017

Loollankan ayey labadda Tartame kala heleen cod dhan 38 Cod oo uu helay Cabdiraxmaan Talyaanle, halka uu Baashe kaga guulaystay 39 Cod oo uu ku noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee cusub; sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed oo fadhigaas guddoominayey intii la dooranayey Guddoomiyaha.

Cabdiraxmaan Talyanle ayaa hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee tartanka kaga guulaystay. Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Golahaas oo Kursigaas iska casilay Arbacadii toddobaadkii hore Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa isaguna hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub oo ay 12 sano Shir-guddoonka Golahaas wada ahaayeen Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada oo markii uu ku guulaysatay hoggaaminta Golaha ka dib Warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay dareenkiisa iyo doorka hoggaamineed ee uu Golahaas ku hagi doono muddada uu xilka hayo.

Waxaannu hadalka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax Warbaahinta siiyey markii la doortay ka dib, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.