“Haddii Qofka Islaamka ah ee yidhaahdo Diimuhu Waa isku Mid, Diintuu kaga Baxayaa..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa shaaca ka qaaday in Qofkii yidhaahda Diimahu way siman yihiin, isagoo Muslim ah uu Diinta Islaamka kaga baxayo, Culimada Islaamkuna dhammaantood isku raacsan tahay daliilkaas.

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Qeyb ka mid ah Khudbad uu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Jimcihii kaga hadlay halista Kiristaanka iyo in la simo Diinta Islaamka iyo Diimaha kale, ayuu dhinacyo badan kaga digay in tallaabooyin lagu simayo Islaamka iyo Diimaha kale lagu kaco, isla markaana waxa uu bayaamiyey dhibaatada Gaaladu Islaamka la maaggan yihiin iyo sida loogu baahan yahay in looga digtoonaado, waxaanu sidoo kale ka hadlay Kaniisaddii dhawaan Gabadh Kiristaan ahi shaacisay in Hargeysa laga furay oo Xukuumaddu go’aan dambe oo ay sheegtay inay sii xidhnaan doonto ka qaadatay Khamiistii markii Culimada iyo Dadweynaha Somaliland si weyn uga soo horjeesteen oggolaanshaha Xukuumadda.

“Nusuus aad u badan ayaa meesha ka baxa hadii dadku raacaan fikirka in diimahu simman yihiin, dhamaantoodna sammada ka yimaadeen, Ilaahayna in badan ayuu Quraanka inooga digay, Dadka Illaahay rumeeyayoow, dadka shisheeyaha ah (gaalada) sokeeye haka dhiganina, tartan ayey idinkula jiraan, inay idin fasahaadiyaan, (dhinaca caqiidada, dhaqaalaha wadanka). Nacaybshiyahiina gaaladu afkoodaa ka xada, waxa uurkooda ku qarinayaan ayaa ka badan, hadaad wax garanaysaan ayaadaha ayaan idiinku cadeeyey.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Sheekh Maxamed, ayaa caddeeyey hadii qofku ku baaqo in diimahu isku mid yihiin, muslimba ha sheegtee, diinta ayuu kaga baxayaa, waxaanu yidhi; “Hadii qofku yidhaahdo diimahu waa isku mid isagoo islaam ah, diintuu kaga baxayaa, culimada islaamkuna iskuma khilaafsana taa, waa arrin mudan in layska ilaaliyo. Dadka muslimiinta ah uma banaana inay ka qeyb noqdaan baadil noocaas oo kale ah, waxii lagu xoojinayo ama lagu taageerayo, sida buugaagtooda ama baybaladooda la qeybiyo ama dadka la gaadhsiiyo, ama kiniisadahooda la dhiso ama loo ogolaado maaha.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay waajib innagu tahay, halkii aynu ka warwareegi lahayn, inaynu dadka xaqa u caddeyno, waxaanu yidhi; “Waa waajib inaynaan ka warwareegin, ee marka aynu gaalada la joogno innagoo mabda’eena ku kalsoon iyo nafteena waa inaynu u bandhignaa islaamka, ka hay’ad wada, ka wefdiga ah, ama kambani wata, dadkan aduunyada kaga danaysanaya waxa ku waajib ah madax iyo raciyadba dawadii ayey sidaan, gaaladuna way baahan yihiin oo bukaane in islaamka loo bandhigo. Siduu nebigu CSW ahaa ee qoraalada uu ugu qori jiray madaxdii gaalada.”

Ilaahay waxuu ummada islaamka uga digay inay ugu tanaasulaan gaalada awood ay yeesheen, ilbaxnimo ay sheeganayaan ama maslaxad ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi, 

“Ilaahay waxuu ummada islaamka uga digay inay ugu tanaasulaan gaalada awood ay yeesheen, ilbaxnimo ay sheeganayaan ama maslaxad, oo manhajkeena islaamnimada ugu tanaasulno, sida Ilaahay inoo sheegay. “Iska ilaali Nebi allow (ama qof kastoo muslim ahow) inay kaa beleyaan, oo kaa weeciyaan waxyiga aan kugu soo dejiyey, wax aka mid ah aayad, kelmad. Halkaa waxa ku hadhay dacwadii diimaha kale layskugu yeedhayey iyo in la simmo diinta islaamka iyo diimaha kale.” Sidaa ayuu yidhi Sheekhu.

Sheekh Maxamed oo ka hadlaya muhiimadda Islaamnimada aynu ku Abtirsanno iyo Mahadda Illaahay innagu waajibiyey, waxa uu yidhi; “Waxa innagu waajib ah inaynu Ilaahay ugu mahadnaqno inuu innaga dhigay diintaa islaamka intii ku abtirsatay iyaga iyo waalidkoodba nebigeeniina CSW ka dhigay, kii ugu fadliga badnaa dhamaan ambiyadii, kitaabkeena Quraankana ka dhigay kii nasakhay dhamaan kutubtii ka horeysay, kacbadeeniina ka dhigay tii xaqa ee keligeed loo jeesanayey, ee dhulkoo dhan ugu fadliga badnayd, intaa markuu inna siiyey, ummadaha intaa ka qadayna ugu baaqno, intii ay iyagu inoo yeedhi lahaayeen.”

Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, ayaa u mahadceliyey Xukuumadda, Culimada, Da’yarta Warbaahinta, waxaanu yidhi; “Waxaan u mahadcelinayna ummadeena marwalba ka diira hadii arrimaha caqiidadooda la taabto. Weliba da’yarta warbaahinta marka xumaanta la soo dhaqdhaqaajiyo, iyaguna iclaamka soo dhigaya, way ku mahadsan yihiin, ilayn lama ogaadeen hadaan la fashiline. Waxaan u mahadnaqaynaa culimada xaqa bayaamiyey iyo xukuumada ku waafaqday.”

“Waxaan ka digaynaa in masalooyinka diiniga cod iyo dodo dadweynaha la geliyo, laakiin waxa waajib ah in ehelkeeda iyo culimada loo celiyo. Waxaan baraarujinayna ain degdega layska ilaaliyo hadii ay qabiilada tahay, shirkada tahay, qofka tahay iyo xukuumadaba, arrimo marka ay culays yihiin tashiga iyo rogrogideeda ayaa la badsadaa. Kala socodka iyo ku-xumaynta aad ayeynu isaga.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Dirir.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.