Masaajid Ku Yaalla Maraykanka oo Qarax lagu Weeraray iyo Korodhka Cabsi-gelinta Trump la Kawsatay

MUUQAALKA GUUD EE MASAAJIDKA MARAYKANKA EE LA WEERARAY IYO BOOLIS GAADHAY QARAXA KA DIB

Bloomington(Aftahannews):- Masaajidka Daaruf Faaruuq oo ku yaalla magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa la weeraray subaxnimadii hore ee Sabtidii Maanta.

MUUQAALKA GUUD EE MASAAJIDKA MARAYKANKA EE LA WEERARAY IYO BOOLIS GAADHAY QARAXA KA DIB

Bam gacmeed, ayaa la sheegay in lagu weeraray Masaajidkaas, gaar ahaan Xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka Masjidka, hasse ahaatee lama sheegin cid wax ku noqotay. Hore ayaa sidan oo kale  loo weeraray Masaajiddo ku yaalla Maraykanka, halka Imaamyada iyo Culimada Masaajiddada qaarkoodna Qoraallo digniino iyo hanjabaado cabsi-gelin ah loo diray.

GOOBTA MASAAJIDKA BAMKA LAGAGA WEERARAY

Ciidammo Hay’adaha Ammaanka Maraykanka ee magaaladaas, ayaa markii weerarkaasi dhacay gaadhay Masaajidkaas, isla markaana bilaabay baadhista iyo xog-ka-helidda sidii weerarkaasi u dhacay. Hase-yeeshee, ma jiro wax faah faahin ah oo ay Saraakiisha Hay’adaha Amniga ka soo saareen weerarkaas Masjidka lagu qaaday.

Tan iyo markii talada Madaxtinimada dalka Mareykanka loo doortay Madaxweyne Donald Trump sannadkii hore, waxaa dalkaas ku soo badanayay weerarrada ka dhanka ah Islaamka iyo Hanjabaadaha lagula kacayo Iimaamyada iyo Culimada Masaajiddada Muslimiinta ee Maraykanka ku yaalla, waxaana sidan oo kale hore weerarro loogu geystay Shaqsiyaad iyo Masaajiddada Muslimiintu Allaah ku Caabudaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.