“Hawsha Wasiirka Waxbarashadu Nagu Shaabbadeeyey waxaan u arkaa hawl Siyaasadeed ..” Wasiirka Dalxiiska Somaliland

WASIIRKA DALXIISKA SOMALILAND KHADAR XAAJI YUUSUF 05 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa Shaaciyey inuu ujeeddo siyaasadeed inay ka dambayso ama laga lahaa u arko tallaabo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka qaadday Dugsiga Al-Jasiira oo uu aasaasay Wasiir Khadar, isla markaana lagu sheegay in Arday Dugsiyada Al-Jasiira iyo Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa 256 Arday oo ka tirsani sharci-darro wax ku dhiganayeen.

WASIIRKA DALXIISKA SOMALILAND KHADAR XAAJI YUUSUF 05 AUGUST 2017

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane iyo Masuuliyiin sare oo Wasaaraddiisa ka tirsan, ayaa si wada-jir ah u shaaciyey bishii hore Magacyada 256 Arday oo ay sheegeen inay ka boodeen Dugsiyadii dhexe iyo Fasallada Dugsiyada sare qaarkood, isla markaana caddaymo u waayeen ay ku fadhiisteen Imtixaanaadkii guud ee sannadkan 2017-ka, sidaa daraaddeedna Wasaaradda Waxbarashadu kansal-garaysay Ardaydaas Imtixaanaadkooda iyo Waxbarashadooda, lagana joojiyey inay dalka gudihiisa wax ku baran karaan ama imtixaan ugu fadhiisan karaan.

Hase-yeeshee, Wasiirka Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf ahna Mulkiilaha Dugsiga sare ee Al-Jasiira, ayaa mar TV-ga Eryal wax ka weydiiyey khilaaf la shaaciyey inuu arrintaas salka ku hayo oo uu ka dhex-qarxay isaga iyo Wasiirka Waxbarashada, waxa uu ku dooday in Dugsiyadan Ardaydooda la shaaciyey ujeeddo gaar ah cid gaar ahi ka leedahay.

“Al-Jasiira waa Iskuul 18 sannadood jiray oo qiimo leh, nidaamka Wasaaradda Waxbarashadana si hufan baannu ugu shaqayn jirnay, Anigoo ka mid ah Aasasayaashii Dugsiyada gaarka loo leeyahay. Hawshan Wasiirka Waxbarashada hawl Siyaasadeed ayuun baan u arkayey, waxna kama jiraan, haddii hal Qof nalagu helana waa wax jira, laakiin waxba kama jiraan Warkaas, Wasiirkana waannu is-aragnay, waxaan u sheegay in Iskuulku hore uga cawday Wasiirka intaanan Anigu Wasiirka noqon-ba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dalxiisku.

Khadar Xaaji Yuusuf oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Markaa, Waxan waxaannu u aragnaa Shaabbad cad oo nala saaray, wax ka jiraana ma jiraan, wixii cad oo muuqda ayaannu ku heshiinnay Aniga iyo Wasiirka Waxbarashadu inaannu labadayadu hawsha si madax-bannaan u baadhno, taasoo Anigu Shaqsi ahaan aan ogahay inaanay arrintaas la sheegayaa wax dhacay oo jira ahayn, waana wax ay Laba Nin oo magaca Waxbarashada ku shaqeysta ah, balse aan Karaamadooda iyo Karaamada Ardayda iyo mustaqbalkooda toona u tudhaynin. Hadda khilaaf noo dhexeeya Aniga iyo Wasiirka ma jiro, Wasiirkana isma hayno, waxa waxan samaynaya xataa haddii uu isagu daacad yahay waa Dadka Wasaaradda la jooga.”

“Labada Dugsi ee Maxamuud Axmed Cali iyo Al-Jasiira waa labadii Iskuul ee ugu daacadsanaa ee ugu waxbarashada hufnaa ee aan Kormeerka diidin, Dugsiyadii Kormeerka Wasaaradda Waxbarashada diiday inay galaan ee yidhi halkaas nooma soo dhaafi kartaan lagama hadal, sababta naloo shaambadeeyeyna waa arrin siyaasadeed, haddii waxba laga qaban waayana Xisaabtu adduunka uun maaha ee Tii Aakhiro ayaa dambaysa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khadar.

Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf waxa uu sheegay inay jiraan Iskuullo Qishka Ardaydu sameeyaan wakhtiga Imtixaanka iyo inay Macallimiintu si toos ah uga caawiyaan Ardayda imtixaanka Dugsiyada Somaliland ka jira, gaar ahaan Hargeysa qaarkood Miisaaniyad gaar ah ku bixiyaan Wasaaradduna si cad u ogtahay wax laga qabtaana jirin. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in tallaabadan la doonayey in lagu dhaawaco labada Iskuul keliya aanay ku koobnayn, balse ay dhaawac soo gaadhsiisay Ardayda Magacyadooda la shaaciyey iyaga oo aan wax cad oo lagu hayaa jirin iyo Waalidiintii ku soo tacabtayba, loona baahan yahay inuu Wasiirka Waxbarashadu sifeeyo Dadka Wasaaradda la jooga ee dhibaatadaas geystay.

Warkaa Wasiirka Dalxiiska oo dhammaystiran, wax badan oo jirana ku iftiiminayo, waxaaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.