“Muuse Biixi Waa Aafo u Baahan in Dalka & Dadka laga Qabto..” Daawo Ismaaciil-Yare oo Sir Kashifay Midna soo wada

Hargeysa(Aftahannews):-Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si weyn u dhaliilay Siyaasadda Hoggaamineed ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay inuu yahay shakhsi aan u qalmin hoggaaminta dalka, waxaanu intaa ku daray inuu yahay Aafo loo baahan yahay in laga badbaadiyo dalka iyo dadka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumaddii Rayaale Ismaaciil-yare oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa Muuse Biixi ku tilmaamay Nin Hanti-qaran iyo Mid Dad jilicsani leeyihiinba boobay, isla markaana uu leeyahay Guryo tiro badan, Baloodhyo ka sii badan iyo Beero uu intaba dhacay siduu sheegay, waxaanu intaa ku daray in labadii Baloodh ee ugu horreeyey ee Muuse Hargeysa ku yeesho Ninkii isu-taagay uu Ismaaciil ahaan yahay.

Haddaba, Ismaaciil-yare oo Shir Jaraa’id oo uu arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo Muuse la xidhiidha kaga hadlay Maanta oo Sabti ahayd ku qabtay Hargeysa, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.