Waddani oo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan Ku eedeeyey isku day lagu Fashilinayo Kaadh-qaadashada Sool iyo Sanaag

Maxamed Cabdillaahi Uurcadde Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani 02 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay is-hortaageen Guddiga doorashooyinka Somaliland Safar ay ugu bixi lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag oo ay Qaadashada Kaadhadhka Codbixintu ka bilaabmi doonto 12-ka bishan aynu ku jirno.

Maxamed Cabdillaahi Uurcadde Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani 2017

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa sheegay in Wefti ka socda Guddiga doorashooyinka oo gelinkii hore ee Salaasadii Maanta Hargeysa ka baxayey oo u baxayey Sool iyo Sanaag Wasiirro Xukuumadda ka tirsani baajiyeen, isla markaana si badheedh ah isaga hor-taageen Safarkaas iyo weliba diyaarinta hawsha Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada oo ay yihiin labadii gobol ee ugu dambeeyey ee hawsha qaadashada Kaadhadhku ka bilaabmi doonto.

Haddaba, Xoghayaha Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo faahfaahiyey arrintaas uu Wasiirrada ku eedeeyey, sababta waxay u arkaan iyo Mawqifkooda Xisbi ahaan la xidhiidha, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.