Qodobbada lagaga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Markii u horreysay Kismaayo ka Qabsoomay

GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, RAYSAL-WASAARE KHAYRE, AXMED-MADOOBE IYO KU-XIGEENKA RAYSAL-WASAARAHA 13 JULY 2017 IN KISMAYO

Kismaayo(Aftahannews):- Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabtay meel ka baxsan Caasimadda Muqdisho, ayaa Khamiistii maanta ka qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Jubaland.

GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA,OO KISMAAYO KU SHIRAY 13 JULY 2017

Shirkaas oo uu guddoominayey Raysal-wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre oo isaga iyo Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisu shalay gaadheen Kismaayo markii ay diyaarad laba jeer ka kala raaceen Muqdisho, ayaa ku sheegay Shirkan mid muujinaya wada-shaqaynta iyo isu-soo-dhawaanshaha Dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya, isaga oo xusay in Maamullada kale ee dalka ka jira Magaalo-madaxyadooda sidan oo kale ay Golaha Wasiirradu ugu qabsan doonaan Shirarkooda Toddobaadlaha ah toddobaadyada iyo bilaha soo socda.

Shirkaas waxa lagaga wadahadlay qodobbo kala duwan, waxaana Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Xeerarka Waxbarashada guud iyo Saxaafadda ee Dalka Soomaaliya oo Wasaaradaha u xil-saaran shaqadaas soo hordhigeen Golaha Wasiirrada, isla markaana loo gudbin doono Baarlamaanka. Waxaana sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay qaybta Warbaahinta u qaabbilsan Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya, kaas oo uu Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweynaha Jubbaland, lagana soo saaray awaamiir dhanka amniga ah, laguna ansixiyey Sharciyada Waxbarashada Guud ee dalka iyo kan Saxaafadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay Shirka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu warbixin ku aadan xaalada guud ee Jubbaland ka siiyo Golaha Wasiirada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumada tallaabada geesinimada leh oo ay shirkoodii caadiga ahaa ku qabsanayaan Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa ka warbixiyey marxaladaha ay soo mareen Jubbaland iyo sida ay hay’adaha dowliga ah u dhiseen waxii caqabdo jireyna ay uga soo gudbeen, maantana ay ka fikirayaan sii horumarinta amniga, iyo u adeegista bulshada. Golaha Wasiirada ayaa warbixin kooban ka dhageystay hay’adaha amniga Jubbaland oo ka warbixiyey xaalada amniga, xogaha ay ka hayaan cadowga, qorsheyaasha u degsan ee la dagaalanka argagaxisada.

Wasiirka Amniga dalka Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan sidii amniga loo sii xoojin lahaa oo kooxaha argagaxisada ah cadaadiska ay ku hayaan bulshada looga joojin lahaa. Warbixin dheer ka dib golaha wasiiradu waxey go’aamiyeen in cid allaale iyo cidii lagu helo inay taageerto argagaxisada ha noqoto dhanka maaliyada, siyaasada iyo niyadaba in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, haddana ay jiraan shaqsiyaad lagu raad joogo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Eng. Yarisow ayaa Golaha horgeeyey Xeerka Saxaafada oo wax-ka-bedel lagu sameeyey qoddobo ka mid ah, kana warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo wadatashiyada ballaaran oo ay la yeesheen Dowlad Goboleedyada, suxufiyiinta Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah, hay’adaha caalamiga ah sida SMSG, UNSOM, IMS/FOJO, iyo kuwo kale. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Saxaafada oo muhiimad gaar ah u leh suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hourmarinta warbaahinta dalka.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa isagana golaha horkeenay Sharciga Waxbarashada Guud ee dalka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Sharciga Waxbarashada Guud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Juxa ayaa golaha horkeenay Hindise Sharciyeedka Jinisyada kana warbixiyey muhiimada uu dalka u leeyahay, kana codsaday wasiirada inay soo akhristaan sharciga waxii tallooyin ahna ku soo biiriyaan si loo horkeeno shirarka danbe oo loo ansixiyo.

Wasiirka Cadaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha warbixin ka siiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka dibeda ku xiran. Warbixintaas ka dib golaha wasiirada waxey isla garteen ahmiyada u adeegista muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo la isla gartay in warbixin dhab ah laga keeno maxaabiista tiradooda guud iyo dalalka ay ku xiranyihiin si dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo la illaalinayo karaamadooda iyo sharfkooda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta u codeeyey oo ansixiyey xaquuqda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo go’aanka golaha wasiirada loo gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si uu dekreeto uga soo saaro. Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay ahmiyada doorashooyinka dalka 4ta sano ee soo socoto, kana codsaday wasiirada in la diyaariyo dhammaan qorsheyaasha lagu hubinayo in loo diyaar garoobo doorashooyinkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabi doono dhowaan si loo dardargeliyo barnaamijka doorashooyinkooda.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan ka soo baxay qaybta Wararka ee Xafiiska Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com                                           

Muqdisho/Somalia/Office.