Khaatumo: “Somaliland Way ka baxday Wadahadalkii Maanta noo furmi lahaa, Garaadkuna Burburka Khaatumo ayuu u Safray..”

Widhwidh(Aftahannews):- Maamulka Khaatumo, ayaa sheegay inay Somaliland ka baxday Shir qayb ka ahaa wadahadallada tan iyo dhammaadka sannadkii hore u socday labada dhinac oo loo ballansanaa in tobanka bisha July 2017-ka oo Isniintii Maanta ku beegnayd Qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, balse ay Wasiirka arrimaha gudah Somaliland Yaasiin-Faratoon iyo Xubno Guddiga wadahadalka qaabbilsan ka tirsani Salaasadii hore sheegeen in dib loogu dhigay 24-ka isla bishan.

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo Arbacadii toddobaadkii hore Widhwidh Saxaafadda kula hadlay, ayaa sheegay in Xubnaha Somaliland u hadlay shaaciyeen go’aan keligood ku kooban oo aanay Khaatumo ahaan waxba ka ogeyn, ballantuna halkii hore ka taagan tahay, haddii Somaliland Shirkaas Burco ka dhici lahaa maanta ay baajisana ay ka dhigan tahay inay ka baxday dhammaan wadahadallada labada dhinac u socday.

Hase-yeeshee, Shirkaasi ma qabsoomin, waxaana sidii Prof: Galaydh Arbacadii hore sheegtay ay si rasmi ah uga jawaabeen Maanta Maamulkiisu, waxaana Shir Jaraa’id oo lagu qabtay Widhwidh ka hadlay Masuulka arrimaha dibedda u qaabbilsan Khaatumo Maxamuud Shabbac, waxaanu sheegay inay Somaliland burisay ballantii la isku ogaa, Shirkii Maanta u furmi lahaana ay ka baxday. Waxa uu sheegay inay Somaliland ka jawaabi doonto eedayn Wasiir Faratoon u jeediyey Hoggaanka Khaatumo iyo waxay ku doorsatay inay ka baxdo wixii heshiiska lagu ahaa ee la isku ogaa.

Haddaba, Maxamuud Shabbac iyo Masuul kale oo isaguna halkaas ka hadlay iyo arrimaha kala duwan ee ay ka hadleen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.