“Mujaahidiintii Gudaha Ayaan Ahaa, SNM-na Waxan U Aqaan Fulayo Yaacay, Nabad-sugidduna Ajar badan Bay Leedahay..” Waraysi Gaar ah: Wasiir Waran-cadde

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka warramay aragtidiisa ku aaddan shaqada Sirdoonka oo uu ka hayay dawladdii Siyaad Barre, sidoo kalena xusay sida uu arkayay jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay kacaankii Millateriga.

waran-cade

Wasiir Warran-cadde waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu siiyey Weriye ka tirsan Shabakadda wararka ee Aftahannews, waxaanu Waraysigaas si qoto dheer ugaga warramayaa Shaqada Sirdoonka iyo Nabad-sugiddu muhiimadda ay leedahay iyo aragtida uu ka aamminsanaa bixitaanka Ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee Soomaaliyeed ee SNM.

Wasiirka oo faahfaahinaya sida uu arko shaqada Sirkooda iyo xilligii uu bilaabay Basaasidda, waxa uu yidhi; ”Ciidammada Sirdoonka waxa aan galay anigoo aad u da’yar, shaqaduna ii cusub tahay, markaa dhadhan fiican ayay ii lahayd. Markaa had iyo jeer nabad-sugiddu oo ay runtii ku badan tahay waddaniyaddu, waa shaqo aan is-odhan karo ajar farabadan ayay leedahay. Waa shaqo ay masuuliyad badani qofka fuulayso, waa shaqo qiimaynaysa inuu qofku keligii yahay masuul marka aan si xun loo isticmaalin. Inkasta oo markii dambe dawladdii Siyaad Barre u isticmaashay dadkii ay ilaalin lahayd oo iyagii cadaw looga dhigay.”

Waran-cadde oo aannu weydiinnay halkii uu joogay iyo wixii uu ka ogaa halgankii dalka lagu xoreeyay ee SNM gaar ahaanna gu’yaalkii 1988-1991kii ayaa yidhi ”Anigu waxaan ka mid ahaa mujaahidiintii ku hadhay gudaha. Qolada SNM-ta markaannu waxaan idhaahdaa waxaad ahaydeen fulayo markiiba yaacay kolkii Siyaad Barre la is-qabsaday oo gacantiisiina ka fogaaday, Itoobiyana galay oo xuduudda ka tallaabay. Laakiin qolooyinkayagii gudaha ku habsaamay ama ku hadhay geesinnimada aanu dheerayn waxa ay ahayd marka ay SNM gaadmo ama weerar dibadda wax ku dilaan kuwa laga jari jiray annaga ayay ahaayeen. Markaa mujaahidiinta dibadda ayuun baa la sheegaaye, anigu Mujaahidiinta gudaha ayaan ahaa.”

Aftahannews kala soco qaybo kale oo xiiso badan oo ka mid ah Waraysiga aannu la yeelannay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Waran-cadde.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

nuuraani90@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.