Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka hadashay Masuul la sheegay inay Lacag ugala Baxsatay Muqdisho

“Ma jiraan wax shaqo ah oo u xanniban oo Inantaas ku xidhan, waayo? Wixii looga baahan lahaa ama Lacagaha Hay’adaha ha noqoto ama Dhukumenti ha noqotee way…” Waraysi Gaar Ah: Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa beeniyey warar sheegaya in Haweenay Qasnaji ama lacag-haye ka ahayd Wasaaraddaas, gaar ahaan qaybta Lacagaha Hay’adaha iyo Gunnooyinka Shaqaalaha, taasoo ka degtay magaalada Muqdisho ee xarunta waddanka Soomaaliya oo wararku sheegeen inay Lacag Wasaaraddu leedahay ula baxsatay.

Agaasimaha-guud-300x216

Hase-yeeshee, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cismaan Xuseen Warsame oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Tifaftiraha Shabakadda wararka ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo wax kaga weydiiyey wararka sheegaya in Warda Axmed Jaanbiir oo ahayd Lacag-hayihii Wasaaraddaas ay magaalada Muqdisho u baxsatay, ayaa ku dooday inaanu warkaasi jirin, hase ahaatee, Gabadhaas xilkaas laga qaaday oo Masuul kale dhawaan loo magacaabay, isla markaana aanay baxsan ee ay hawlo u gaar ah u tagtay Muqdisho, soona noqonayso.

“Waxaa waxba kama jiraan, Gabadhaasi may baxsan ee Baasaabboor bay u doonatay Soomaaliya, xilkana waa laga wareejiyey oo Masuul kale ayaa loo magacaabay oo ay inta badan Xisaabaadka, Bajadka iyo Buugaagtaba ay ku wareejisay, inta hadhayna soo noqodkeeda ayay wareejinaysaa. Annaguna waannu wadahadalnay oo Taleefan bay noo soo dirtay, waxay tidhi Baasaabboorkaas markaan soo qaato waan imanayaa. Markaa Baxsi ma jiro, ee sababta Muqdisho geysay waa Baasaabboorkaa ay doonatay, waanay imanaysaa, xil-wareejintana way dhammaystiraysaa.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Gabadha la sheegay inay Wasaaraddooda lacag kala baxsatay.

Waxaanu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame waxa uu intaa sii raaciyey oo yidhi; “Gabadhasaasi Masuuliyiinta Wasaaradda mid kasta way la soo hadashay, waxaana loo qabtay oo ay sheegtay inay soo noqonaysa 15-ka Bishan February ee aynu ku jirno, markaa maaha qof dan yeeshay oo hawl degdeg ah u baxay iyada oo aan la hubsan in la yidhaahdo wuu baxsaday iyo way baxsatay.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo la weydiiyey inay jiraan shaqooyin Gabadhaas aawadeed u xanniban oo ay ka mid yihiin sida la sheegay Lacagaha Hay’adaha IFAD iyo UNICEF Sanduuqa Xisaabaadka ay haysay ku soo shubeen oo aan lahaynin iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Ma jiraan wax shaqo ah oo u xanniban oo Inantaas ku xidhan, waayo? Wixii looga baahan lahaa ama Lacagaha Hay’adaha ha noqoto ama Dhukumenti ha noqotee way sii wareejisay, wax yar oo xaal xaal ah baa ku hadhay oo markay timaaddo ay wareejinayso, waxaasna wax shaqo ah oo u xannibani ma jirto ee shaqadu sideedii bay u socotaa.”

Warda Axmed Jaambiir, ayay wararku sheegeen in markii Masuul kale booskeeda loo magacaabay intaanay xilka ku wareejin toddobaadkan ay u duushay dhinaca magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ay wararka soo baxay sheegeen inay u baxsatay, hase-yeeshee, Agaasimaha guud waxa uu ku dooday inaanay baxsan ee ay Baasaabboor u doonatay, isla markaana ay 15-ka bishan soo noqonayso, haddii ay ka dib-dhacdana loo arki karo inay warkaas kiisa ka soo horreeyey xaqiiq yahay.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.