Bah-wadaagta Telesom Ee Muqdisho Oo Heshiis La Gashay Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):- Shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud Telcom Soomaaliya oo la Mataan ah Shirkadda Telesom ee Somaliland iyo kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta wada gaadhay heshiis laba dhinac ah  oo suurageliyay inay dib Shirkadda Hormuud Telcom u hawlgeliso adeegga Isgaadhsiineed ee gobollada Jubbooyinka oo muddo lix  maalmood ah hawada ka maqnaa.

images

AAA

Halka ay gabi ahaanba Shirkaddu joojisay adeegga Internetka ee laga isticmaalo Mobilka guud ahaan deegaannada ay ka hawl gasho, iyada oo aan maanta adeegga internet-ka ee shirkaddaas oo ay Bah-wadaag yihiin Telesom-ta Somaliland laga isticmaalin magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Tallaabadaas ayaa meesha ka saartay amar hore ay u bixisay dawladda Soomaaliya oo lagu wargeliyay dhammaan Shirkadaha isgaadhsiinta in aanay ku dhaqaaqin oo aanay fulin amarraada ka soo baxa kooxda dagaalka kula jirta ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan  Shirkadda Hormuud Telcom iyo kooxda Al-Shabaab oo aan la shaacin halka uu ka dhacay kulankoodu, ayaa la sheegay in ay ku kala saxeexdeen labada dhinac in shirkadda Hormuud Telcom ay dib uga hawlgeli karto gobollada Jubbooyinka oo ay lix cisho ka hor Al-Shabaab ka Mamnuucday in ay ka shaqeeyaan wax isgaadhsiin ahi.

Heshiiska dhex-maray labada dhinac ayaa wuxuu dhigayaa in Shirkadda Hormuud Telcom ay dib uga shaqayn karto gobollada Jubbooyinka marka laga reebo in Mobilka laga isticmaali karo Internetka, waxaa kaloo ay masuuliyiinta labada dhinac isla gaadheen in la joojiyo gabi ahaanba in wax Internet ah aan laga isticmaali karin guud ahaan deegaannada ay ka hawl gasho shirkadda Hormuud Telcom,kuwaasoo ay ku jirto caasimadda Soomaliya ee Muqdisho oo aanay xiligan jirin Xarumo la yaqaan  iyo saldhigyo toos ah oo ay ka degen tahay kooxda Al-Shabaab.

Isla maanta ayay shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud Telcom Soomaaliya waxay dib uga hawl galisay adeegii Internetka deegaammada  gobolada  Jubbooyinka iyadoo dhinaca kalena joojisay oo xayirtay guud ahaan Internetka ay hore adeegiisa u bixin jirtay.

Dawladda Soomaaliya ooh ore uga digtay shikadaha isgaadhsiintu inay fuliyaan amar kasta oo kasoo  baxa kooxda Al-Shabaab, ayaan ka hadal tallaabada ay qaaday shirkadda Hormuud Telcom Soomaaliya waxaana meesha ka baxday hanjabaaddii dawladda iyo awooddii ay hore u sheegan jirtay inay u leedahay Maamulidda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Labadii amar ee midna ka soo baxay kooxda Al-Shabaab midna ka yimi dhanka dawladda,ayaa waxaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka hir galay oo ay fulisay shikadda ugu weyn dhanka isgaadhsinta ee ka hawl gala Soomaaliya.

Dadwaynaha Muqdisho ayay taasina ku abuurtay cabsi hor leh ka dib markii ay si cad u arkeen amarka kooxda Al-Shabaab o ka hirgalaya magaalada Muqdisho, waxaanay ka quusteen inay dawladdu sugi karto ammaankooda kol haddii shirkadihii dalka ugu waawaynaa ay Al-Shabaab amarkay siiso toosa u fulinayaan, taasoo muujinaysa taag-darrada dawladda Soomaaliya oo intaan laba gaadhin meel kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya ee ay dagaalladau regaadiyeen Caasimaddii dalka ee Muqdisho amarrada Al-Shabaab ka soconayaan.

Shirkadda Isgaadhsiinta Soomaaliya ugu ballaadhan ee Hormuud Telcom oo uu leeyahay Ganacsade Sheekh Axmed Jimcaale, ayaa Bah-wadaag la ah Shirkadda Telesom ee ugu ballaadhan Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland, Taasoo uu iyadana sheerka ama saamiga ugu badan leeyahay Sheekh Axmed Jimcaale.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.