Waran-cadde oo ka Dayriyey Qashin Caasimadda Buux-dhaafiyey oo D/Hoose ku fashilantay guristiisa

“Bari dhowayd baa gabadh Ingiriis ah baa timi, waxaanuna ku nidhi bal ka warran magaalada? Waxay tidhi way qurux badan tahay, laakiin waa magaalo xashiis..”

Wasiirka Daakhiliga oo dawladda hoose iyo dadweynaha ugu baaqay in habeenkasta la xaadhiyo waddooyinka caasimadda Md. Cali Maxamed Warancadde

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warran-cadde, ayaa ayaan-darro ku tilmaamay in qashinku caasimadda Hargeysa is buux-dhaafiyo, isagoo shacabka iyo dawladda hoose u soo jeediyey inay arrinta ka wada shaqeeyaan.

sss

LODA-HARGEYSA

waran-cade-300x214

Md. Warancadde oo kormeer ku maray waddada halbawlaha u ah Hargeysa oo dawladda hoose dhismo ka waddo, ayaa sheegay in wufuudda Somaliland yimaad aad uga dayriyaan qashinka caasimadda, balse ammaanto dhismayaasha quruxda badan ee magaalada ka hirgalay.

 “Waxa loo baahan yahay laba arrimood inaad si degdeg ah u wadaan oo ugu dhaqaaqdaan; mid waxa weeye sidii caasimadda loo gaadhsiin lahaa laamiyada quruxda badan si ay ugu ekaado caasimadaha caalamka. Ta labaad; waxa weeye bani’aadamku waxa jirta wax uu isagu qabsan karo iyo wax u baahan in laga caawiyo.

Magaaladeenna bari dhawayd baa gabadh Ingiriis ah baa timi, waxaanuna ku nidhi bal ka warran magaalada? Waxay tidhi, ‘way qurux badan tahay, laakiin waa magaalo xashiis, waa magaalo qurux badan, laakiin waa magaalo aanay dadkeedu xashiishka iska xaadhin.’ Sidaa darteed, waxaan kula dardaarmayaa dadweynaha iyo dawladda hooseba. Dadweynaha waxaan uga mahad-celinayaa meelaha dadku maraan ee marmarka ay dhigeen, waxaase ayaan-darro ah meeshii lacagta intaas le’eg la geliyey toddobaad ka bacdi inay cammuuddu dul marto oo sideedii hore ku noqotay oo xataa qofka sameeyey aannu ku fikirin cammuudda ka dul qaad.”

Waxa kaloo Wasiirku uu ballanqaaday in waddooyin casri ah laga hirgelin doono faras-magaalada Hargeysa, balse shacabka wuxuu u soo jeediyey in aanay qashinka hortooda ku tuurin, waxaannu yidhi; “Waxaan maanta halkan ka soo jeedinayaa; magaalada waa la nadiifinayaa, waddooyinkiina waa kuwaas oo waa la wadaa, waxaanan ku darayaa in dhammaan ubucda dhexe ee magaalada Oritelka ilaa Bangiga Ganacsiga in dhammaan la dhigi doono waddooyin nooc walba leh oo dhinac walba u socda, waxaanse dadka waydiisanayaa iyo dawladda hooseba subax walba iyo habeen walba in magaalada la xaadho. Dadka meheradaha leh ee meelaha la fadhiisto sameeyey subax walba waa inay xaadhaan, hana ku soo xaadhaan laamida, dawladda hoosena ha daba socoto, iyana wixii laami ah bay xaadhayaan.

Haddaynu xasiishka iska xaadhi kari wayno saw ayaan-darro maaha? Haddaynu waddooyinka ku tuurno qashinka saw ayaan-darro maaha? Dhaqso waxa loo keenayaa meelo aad qashinka ku riddaan.”

Md. Cali Warancadde waxa uu shacabka ugu baaqay inay si fiican u bixiyaan cashuuraha si xukuumadda iyo dawlada hoose wax ugu qabtaan amma dawladda dhexe si fiican hawlihiisa u guto. Wasiirka Daakhiliga waxa uu kormeerkiisa ku wehelinayey maayir-ku-xigeenka Hargeysa.

Xigasho Wargeyska Jamhuuriya.