‘’Midnimada waxa lagu gaadhi karaa soo celinta dhulka maqan ” Madaxwaynaha Puntland

IMG_0480

Garowe(Aftahan News)_Baarlamanka Puntland ayaa maanta u codeyay  Golaha  wasiirada  Puntland Ka hor inta Baarlamanka aysan ansixin Golaha wasiirada ayaa ,Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  Baarlamanka ka hor akhriyay Ajandaha Siyaasadeed ee Golaha Wasiiradda,

 “waan ku faraxsanhay inaan saaka hor imaado oo uu kalsoonida u waydiiyo  Wasiirada aanan soo dhisay Aaad iyo aad Ayaan ugu farax sanay in Xildhibaanada sharafta leh aad ansixiseen Golihii wasiirada”

Madaxweynaha oo ka hadlayay  amniga ayaa yidhi ‘’Waxaa la isku raacay in Muwaadinka Xuquuqdiisa ay ugu horayso inuu helo amni,waayo Bulsho cabsi ku nool hormar ma gaadhi karto,dowladu waxay ka shaqaynaysaa sidii Hay’adaha amnigu u wada shaqayn lahaayen,qorshayaasha dowlada waxa ka mid ah in kor loo qaado tayada Hay’adaha amniga’’.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xidhiidh wannaagsan ay la yeelan doonaan  Soomaaliya,ayna waajib tahay in gacan siiyaan Gobolada doonaya inay maamulo dhistaan 

‘’Waxaa naga go’an in Puntland kuso xidhanto wadamo iyo Hay’ado danaynaya Maalgashiga Puntland,si taasi ay u hirgasho waa in aan dajino Sharciyada Maalgashiga’’.

Wuxuu intaas ku daray ‘’Midnimada waxa lagu gaadhi karaa soo celinta dhulka maqan ee gacanta Puntland ka baxay,ma dhacayso in Midnimo dhamaystiran ay dhacdo iyadoo aan dhulka oo dhan aysan gacanta ugu jirin dowlada,si Midnimada loo gaadho waa in aan isku duubnaano’’.

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isna ka hadley ansixinta Xukuumada cusub waxaanu yidhi “Sharaf ayay noo tahay in Mudane Madaxweyne aad na hor keentey Golihii Wasiirada ayna heleen cod aqlabiyad ah, ” 

golahii wasiirada ee uu dhawaan soo magacabay madax waynaha cusub ee dawalad goboleedka puntland cabdiweli maxamed cali gaas ayaa maanta si duudub ah ay u ansixiyeen golaha barlamaanka 

puntland ayaa dhawaan waxa u biloowaday sanad cusub golaha barlamaanka oo cusub iyo xukuumada uu hogaaminayo cabdi weli gaas oo cusub 

Halkan ka daawo sawirada

 

IMG_0423

IMG_0425

IMG_0427

IMG_0428

IMG_0429

IMG_0430

IMG_0432

IMG_0441

IMG_0445

 

IMG_0466

IMG_0470

IMG_0479

IMG_0480

IMG_0489

IMG_0497

IMG_0509

IMG_0413

IMG_0436