Xukuumadda oo qiratay inay iyadu ka dembeyso laba-dibleynta Saxaafadda ee SONSAF Waddo

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa Xaqiijisay In ay Warbaahinta Madaxa-bannaan u Hadoodilayso Xeer Laba dibleynaya dhaqdhaqaaqa iyo madax-bannaanida Xorriyada Hadalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaaciyey in ay Dabada ka riixayaan Xeer Lagu Xakamaynayo Saxaafadda Madaxa-banbaan oo ay Mashruucasanayso Dalladda Jilayaasha Aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Dhawaan ayaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Qaylo-dhaan ka sameeyey Kulan warbaahinta la isugu yeedhay oo ay SONSAF Qabanqaabisay, kaasoo dulucdiisu ahayd in masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta madaxa-bannaan laga dhaadhiciyo in Xeerkan ay oggolaadaan, kaasoo waxoogaa faro guudkood ah lagu bixin doono, si Golaha Wakiillada loogu gudbiyo, isla markaana lagu ansixiyo.

Inkasta oo uu Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf qaylo-dhaantaas raalli-gelin ka siiyey SONSAF, isla markaana uu Madal ku beeniyey War-Saxaafadeedkii Hoggaanka SOLJA soo saaray,  ee ka dhiidhiyayay Dabinnada SONSAF qoolayso, waxaana uu xaal ka siiyey SONSAF iyo Xukuumaddaba warkaas.

Hase-yeeshee Su’aashu waxay tahay Maxaa ka dembeeyey?

Muddo Dhawr maalmodo ah ka dib, Markii Hadal haynta  iyo doodad xeerkani dadka wareeyey isla markaana SONSAF iska fogaysay in cid kale adeegsanayso, ayaa Dooddii SOLJA waxa u rummeeyey oo Markhaati u noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir oo shir jaraaid oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa ku shaaciyey ku lug lahaanshaha xeerka SONSAF Waddo iyo saamaynta ay ku leeyihiin.

Haddaba Shirkii Jaraa’id ee Cukuse, qaybta uu kaga hadlay Xeerka SONSAF halkan hoose ka daawo.

Xigasho Hubaal Media.