Daawo Foosiya-Gaabo oo ilmihii Toddobaad lagu Qalay, Caawimada ay u baahantay & Dr. Awkoombe oo ka hadlay

HOOYO FOOSIYA-GAABO OO ILMIHII TODDOBAAD LAGU QALAY GARGAAR HUSPITAL MARCH 23 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya-Gaabo), ayaa ilmihii toddobaad lagu qalay oo habeen-hore lagaga umuliyey Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa, Qalliinkaas oo uu u sameeyey Dr. Cabdiraxmaan-Awkoombe oo si bilaa laccag ah u qaabbila markasta oo ay umulayso Foosiya-gaabo, sida uu Dr. Awkoombe sheegay.

HOOYO FOOSIYA-GAABO OO ILMIHII TODDOBAAD LAGU QALAY GARGAAR HUSPITAL MARCH 23 2017
HOOYO FOOSIYA-GAABO OO ILMIHII TODDOBAAD LAGU QALAY GARGAAR HUSPITAL MARCH 23 2017

Dr. Cabdiraxmaan-Awkoombe, ayaa guud ahaan Dadka Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka meelkasta oo ay joogaan oo Qofkasta oo caawimo u soo samayn karaa ay soo caawiyaan, sidii ay horeba Dad badani u soo caawin jireen markay xaaladdan oo kale ku jirto Foosiya-Gaabo oo ah Gabadha ugu gaaban.

Haddaba, Warbixintan kooban ee Dhakhtar Awkoombe bixiyey, Baaqa uu bulshada Islaamka ah, gaar ahaan Soomaalida u diray, Qaabka uu u dhacay qalliinkan toddobaad ah ee loo sameeyey Hooyo Foosiya-gaabo iyo Lixda Carruur ah ee hore loogu qalay iyo ilmahan toddobaad ee hadda lagu qalay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.