“Afhayeen Madaxweyne Siilaanyo Miyuu Tahli waayey inuu Bulshada kala hadlo Arrimahan?” Muxuu Ku Jawaabay Dayr?

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SAFAR FASAX AH KA SOO LAABTAY LAGUNA SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Safar Nasasho ah ugu maqnaa magaalada London ee waddanka Britain, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Maanta dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SAFAR FASAX AH KA SOO LAABTAY LAGUNA SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO OO SAFAR FASAX AH KA SOO LAABTAY LAGUNA SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2017

Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisu muddadii dhawrka toddobaad ahayd ee ay Safarka nasahada ah dalka kaga maqnaayeen, waxaa soo baxay Warar iyo dacaayado sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo xaaladdiisa caafimaad liidato, isla markaana loo diyaarinayo qalliin dhinaca Madaxa ah, inkasta oo ay Xukuumaddu hore u beenisay, isaguna Socod dhoolla-tus iyo ismuujin u muuqday London ku dhex-maray xilli habeennimo ah markii warkaasi soo baxay ka dib, haddana Afhayeenka Madaxweynuhu maantana wuu ka jawaabay wararkaas.

Inkasta oo aanu Madaxweynaha Somaliland hadal markii uu galabta dalka dib ugu soo laabtay, haddana waxaa Saxaafadda la hadlay Afhayeenkiisa Xuseen Aadan Cige (Dayr), kaas oo la weydiiyey maaddaama oo intii Madaxweynuhu maqnaa dalka muddo-kordhin Golayaasha la doorto dhammaantoos saamaysay ka dhacday, dacaayado caafimaadkiisa ka dhan ahina jireen, balse aanu ka hadal Madaxweynuhu ma la odhan karaa wuu tahli kari waayey inuu Bulshada la hadlo? Balse waxa uu su’aashaa kaga jawaabay inuu isagu yahay Afhayeenkiisii uu uu Afkii Madaxweynaha ku hadlayo, haddii loo baahdana uu Madaxweynuhu hadli doono wakhti aanu sheegin.

Haddaba, Soo dhawaynta Madaxweyne Siilaanyo, hadalka Afhayeenka Madaxtooyada, Su’aasha la weydiiyey iyo Jawaabta uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.