Dawladda Sucuudiga Oo Dhakhaatiir Caafimaadka Xoolaha Baadha U Soo Diraysa Somaliland iyo Soomaaliya

SUCUUDIGA OO XOOLAHA SOOMAALIYA DHAKHAATIIR U SOO DIRAYA BAADHA 2017

Jiddah(Aftahannews):- Dawlada Sucuudiga, ayaa sheegtay inay Soomaaliya  u soo dirayaan Dhakhaatiir Aqoon dheeraad ah u leh baadhitaannada Caafimaadka Xoolaha, si loo baadho Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya dhulka Soomaalida uga dhoofi jiray oo ay si ku-meel-gaadh ah u joojisay kawda bishii 12-aad ee 2016-kii. Waxaanay Dhakhaatiirtaasi mari doonaan Koonfurta Soomaaliya, Somaliland iyo Bariga oo Puntland ah.

SUCUUDIGA OO XOOLAHA SOOMAALIYA DHAKHAATIIR U SOO DIRAYA BAADHA 2017
SUCUUDIGA OO XOOLAHA SOOMAALIYA DHAKHAATIIR U SOO DIRAYA BAADHA 2017

Wasaaradda Xannaada iyo Deegaanka ee dalka Sucudiga, ayaa sheegtay in Dhakhaatiirta ay diraysaa tegi doonaan Maxjarrada Berbera, Boosaaso iyo weliba magaalada Muqdisho si ay u baadhaan Xoolaha halkaas ku jira, sida uu xalay Boggiisa Internet-ka ku baahiyey Universal TV oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Dawladda Sucuudiga, ayaa dhiggeeda Soomaaliya ku wargelisay inay u soo dirayso Dhakhaatiir aqoon dheeraad ah u leh Baadhitaanka Caafimaadka Xoolaha. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dawladda Federalka Soomaaliya, ayey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Deegaanka ee Sucuudigu soo gaadhsiisay Wargelinteeda.

Sucuudiga oo ah Sayladda ugu weyn ee Xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo, ayaa Kawda bishii December 2016-kii, waxay shaacisay inay si ku-meel-gaadh ah u joojisay Xoolaha looga dhoofin jiray Dhulka Soomaalida, iyadoo sabab uga dhigtay inay jiraan Xoolo, gaar ahaan Lo’ Soomaaliya looga raray oo laga helay xanuun, go’aankaas oo saamayn ku yeeshay Nolosha iyo Dhaqaalaha Soomaalida. Hase-yeeshee, dawladda Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dooday inaanu jirin wax xanuun ah oo ay Xoolohoodu qabaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.