Farsama-yaqaanno Ethiopian ah oo Hargeysa u yimi Hagaajinta Bilicda oo Dawladda hoose ku fashilantay

Hargeysa(Aftahannews):- Farsama-yaqaanno aqoon u leh hagaajinta iyo hirgelinta bilicda magaalooyinka oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, taasoo ay dawladda hoose iyo Golaha deegaanka ee hawshaas loo doortay ku fashilmeen wax-ka-qabashadeeda.

LODA-HARGEYSA

sss

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ka hadlay qurxinta Caasimadda Hargeysa iyo dedaalada lagu doonayo in lagaga dhigo caasimad qurux badan oo la tartanka Magaalooyinka Afrika.

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlayey    magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay dalka soo gaadheen khuburo dawladda hoose ee Hargeysa ka caawin doona qurxinta caasimadda, isla-markaana ay dhawaan bilaabo doonaan hawsha.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi; “Waxa dalka soo gaadhay Injineerro Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxinayo Caasimadda Hargeysa.”

“Waxaanan ku wareeJin dooNnaa MaayErka Hargeysa si ay shaqada u bilaabaan. Dhirtii lagu beeri lahaana way soo socotaa oo dhowaan ayey imanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Waa markii ugu horreysay ee ay Farsamo-yaqaanno Bilicda wax-ka-yaqaanna loo keeno Caasimadda Hargeysa oo ay dawladda hoose iyo Golaha deegaanka ee la doortay-ba ku fashilmeen hagaajinteeda iyo nadiifinta Xashiishka iyo qashinka magaalada Hargeysa buux-dhaafiyey.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.