Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Beeniyay inuu Xabsi Guri u diray Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Shabakadda Aftahannews la hadlay caawa, ayaa waxba kama jiaan ku tilmaamay war sheegayay inuu Xabsi guri ku xidhay Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas).

Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas), ayaa galabta Shabakadda Somalilandtoday u sheegay inuu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland u diray Xabsi Guri oo uu sheegay inuu ku jiray muddo afar maalmood ah. hase-yeeshee, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Weriye ka tirsan Shabakadda Aftahannews.com caawa khadka taleefanka kula xidhiidhay, isla markaana uu wax ka weydiiyey waxa ka jira inuu Xabsi Guri u diray Abbaan-duulaha Ciidanka Qaranka ayaa ku dooday inaanu jirin warkaasi.

“Arrintaa waxba kama jiraan, manay dhicin.” Sidaa ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi  Ismaaciil (Saylici) oo ka jawaabayey su’aal uu Weriyaha Aftahannews ka tirsan ee la xidhiidhay ka weydiiyey inuu Xabsi Guri u diray iyo sababta uu ugu diray Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka.

Aftahannews.com

nuuraani90@gmail.com

Hargeysa Somaliland